Madaxwayne Farmaajo Oo Dhaliilay Laamaha Ammaanka Muqdisho + Sababta.
Madaxweynaha Soomalaiya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa dhaliil xooggan u jeediyay laamaha amaanka iyo masuuliyiinta magaalada Muqdisho hanaanka ay u maraan sugida amniga Caasimada. Madaxweyne
Farmaajo, ayaa xalay madaxtooyada kula kulmay taliyayaasha saldhigyada gobolka
Banaadir, taliyaha qaybta G/banaadir, Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo afarta
taliye ciidan ee Soomaaliya, sida ay qortay warbaahinta universal oo aanu ka
soo xigay warkan.
Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay qaraxyada iyo dilalka ay Muqdisho ka geystaan Shabaab oo xadhkaha goostay, iyadoo si aad ah looga dooday weerarkii Shabaab ay ku galeen 28-kii bishii hore dhismayaal ku yaala wadada Maka Al-Mukarama, halkaas oo ay ku dileen ku dhowaad 50 qof.
Dadkii kulanka ku sugnaa, ayaa inoo sheegay in madaxweynaha oo wajigiisa laga dheehan karay Cadho xooggan uu u sheegay Taliyayaasha iney amniga sugaan ama ay iska dhiibaan xilalka ay u hayaan qaranka, hadeysan shaqadooda ka soo dhalaaleynin.
Loading...
Loading...