Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Khilaaf Golahaasi Dhex Yaal Ka Hadlay.

0
Tuesday February 27, 2024 - 15:21:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Khilaaf Golahaasi Dhex Yaal Ka Hadlay.

    "walaalayaal isku duubni iyo midnimo ayeynu wax ku qabsan karnaa "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"walaalayaal isku duubni iyo midnimo ayeynu wax ku qabsan karnaa "



Hargaysa (HWN) Xoghayaha Dawlada Hoose ee Degmada Hargaysa Siciid Nuur Jaamac ayaa ka hadlay khilaaf la sheegay in uu ka dhexjiro golaha deegaanka Hargaysa.



Xoghayaha ayaa qoraal uu baahiyay oo uu kaga hadlayo khilaafkaasi ku yidhi:-


"In kasta oo aanu jirin khilaaf u dhexeeya Golaha Deegaanka Caasimadda, haddana Khilaafku waa sunnaha nolosha oo meel shaqo ka socoto oo la halgamayo ugu yaraan sidan baa ku habboon iyo sidan baa ku habboon waa la is odhanayaa, waxa se Ilaahay mahaddii ah in maanta ay midaysan yihiin golihii deegaanku horena ay u midaysnaayeen wax dhib ah oo jiraana aanu jirin, Dhammaantayana aanu gacmaha isu qabsannay in aanu Hargaysa horumarinno, oo aanu u halganno, shacabka reer Hargaysana waxaan leeyahay "walaalayaal isku duubni iyo midnimo ayeynu wax ku qabsan karnaa oo aynu Hargaysa ku dhisi karnaaā€¯ Golaha deegaankuna waa midaysan yahay ee idinkuna midaysnaada oo isku duubnaada." ayuu qoraalkiisa ku yidhi Xoghayuhu.


Saacadihii la soo dhaafay ayaa la isla dhex marayay warar sheegaya in xilka laga qaadayo maayar Mooge
Loading...
Loading...