Wakiilka Cusub Ee Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo Ka Hadlay Isku Dhacyadii Tukaraq, Fariina U Diray Somaliland Iyo Puntland.
Garoowe(HWN):-Qaramada midoobay ayaa ka hadashay colaada xadka ee ka dhextaagan dawlada somaliland iyo maamul goboleedka soomaaliya ee Puntland.
Wakiilka qaramada midoobay ee soomaaliya James Swan oo socdaal ku jooga xarunta maamulka Puntland ee garoowe ayaa soo jeediyey in dawlada somaliland iyo maamulkaasi ay ilaaliyaan nabada isaga oo ugu baaqay inay wada hadal ku dhameeyaan xurguf kasta oo jirta.
James Swan oo la hadlay warbaahinta ayaa isaga oo ka hadlay xiisada u dhaxaysa somaliland iyo Puntland ayaa waxa uu yidhi "Waxaan ka codsanayaa hogaamiyeyaasha somaliland iyo maamulka puntland inay geedi socod nabad ah ku dhameeyaan muranka u dhaxeeya, madaxweynaha Puntland-na waan ka wada hadalnay muranka mudada dheer ka taagan Sanaag iyo Sool iyo isku dhacyadii ka dhacay Tukaraq.”
Wakiilka qaramada midoobay ee soomaaliya James Swan ayaa sidoo kale cadeeyey inuu ka digayo isku dhacyo mar kale ka dhaca Tukaraq oo dhexmara somaliland iyo maamulka Puntland ee dawlada federaalka ah ee soomaaliya.
Wakiilka wuxuu shir saxaafadeedkiisa ku caddeeyay inay madaxweynaha Puntland isla soo qaadeen muranka muddada taagan ee Sanaag iyo Sool, si la mid ah isku dhacyadda goos gooska ah ee deegaanka Turkaraq oo bartamihii sannadkii hore ay la wareegeen Soomaaliland.