Madaxweyne Mise Orgi Midab leh?

0
Monday February 26, 2024 - 19:47:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Mise Orgi Midab leh?

    Markuu Muuse naga tago, Meeshiisa ya gali?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markuu Muuse naga tago, Meeshiisa ya gali?


Reer Somaliland maxay u doortaan Madaxweyneyaasha? Ma inay dalka maamulaan, mise inay ka dhigtaan "Orgi Sadqo"?  (An Escape Goat President!)



Waxaa kumanyaal sano ka hor jiri jirtay Bulsho Cawaan ah oo aad u macsi badan.

Sanadkii ba mar buu Wadaad Weynahu ugu baaqi jiray beesha oo dhan banaan-bax, si qof kastaa isaga maydho waxii dambi ku biiray sanadkii hore.



Farsamada ama habraacu waxuu ahaa: In la keeno orgi wayn oo midab leh (garan ama gordan) oo markaas qofkastaa orgigaa ku raro waxuu danbi lahaa. Kadib, wadaadka wax ku akhriyo. Kadib na, origiga dambiyadii oo dhan lagu raray la eryo oo buur dheer laga tuuro. Sidaas na qofkastaa ku noqdo xaaji ama xalay dhalay ceeb ka saliim ah!


Dooda maansada hoos ku qorani waxay tahay inay Reer Somaliland madaxweyne kasta caayaan oo dusha ka saaraan eedaha iyo iinaha uu gaarka u leeyahay iyo eedaha iyo iinaha kasta ee uu leeyahay qof kastoo bulshada ka mid ahi, iyadoo laga dhiganayo " Orgi Sadqo ama "Escape Goat". 


Isla markaas, Reer Somaliland waxay madaxweyne kastaa ka dhigaan nin wanaagsanaa oo ceeb ka saliim ahaa markuu xilka ka dego iyagoo caydii, ceebayntii iyo eedayntii ku wareejinaya hadba madaxweynaha xilka haya!


Markuu Muuse naga tago, Meeshiisa ya gali?

Madaxweyne baasoo,
Ma dhowrsane u muuqdoon,
Maamuus la siin karin,
Milgihiis la marin karin,
Yaa maalintaas noqon?


Yaa mucaaradkiisana
Loo midoobayaayoo,
Orgi midab leh laga dhigan?


Maaweesheyaashuna,
Yay magacyo badan iyo
Manaxaha usoo bixin?


Maansooyin qaladoo,
Maangaabku tiriyoo
Lagu milay cadownimo,
Matalaadu yay qaban?


Madadaalka ururee,
Mafrishyada ka buuqa na
Mowduucyo yow noqon?


Mudaduu xilkaas sido,
Yaynu Saxal, Mariidiyo,
Mixnad weyn u aragnaa
Maalintuu wareejee,
Mudo aynu moognahay,
Madaxweynahii hore
Malaa'iig u eekaha
Mufti Sheekha yaa noqon?


Ahmed Doobaje,
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...