Gabay dagaalka Ceel-afwayn.

0
Tuesday July 09, 2019 - 15:22:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabay dagaalka Ceel-afwayn.

    Caradii banaanniyo Sanaag Ceeri iyo daallo Caqli beelle reer bari beryahan Caynka uu yahaye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caradii banaanniyo Sanaag Ceeri iyo daallo Caqli beelle reer bari beryahan Caynka uu yahaye

Cuudkii Markuu Wada dhalee  Caanno laga Maalay

Ee Subaga Ciirtii ka baxay Ciida lagu Saydhay

Canbarkaa Inaan la'la Fadhiyin  Waa Cawala aane


Cidna way  Xigaan labada qol Cuurkan baba,aye

Ciilkii horreetaan qabaa Cadanyadiisiiye

Caradhuubta Meeshaan la rabay kuma  Casuuntaane

Dhulka Inuu Cadaawuhu hantiyo kama Cabsootaane

Waa Curubta reer shiikh ragaa haadku Cunayaaye

Ceelafawyn Collaaddaa gashee Cilinka loo waayay

Ee Culumaddii diinta iyo Caaqilada dhaaftay 

Haddaan Ciidan lagu Soo Fasixin Ceeb kalaa Imane 

Sidii duul Cawaanaa Xinjiro lagu Cilaantaaye

Codkarkii Maxaa Nagaga dhacay Waa Cimriyo yaabe

Maxaa dowladii naga Casilay Calanka Noo haysay

Cashiiriyo Casaba wada dhashay oo Xawska wada daaqa 

 haddii taladu Caynkaa ka tahay Caabudaad malehe

Kala Caynsha Caamadan is dilay  Cidhib go,weyaane.

Haddii Nabadda Caynkeedu go,o Caafimaad dhimaye

Abdihafid Ahmed hurre
Phone/0634274992
by,Burco
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...