Garqaado Muuse Biixi Cabdiyow

0
Saturday February 24, 2024 - 10:24:43 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 671
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garqaado Muuse Biixi Cabdiyow

    Gumeystihii Somaliya qaybsaday waxay aaminsanaayeen inay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gumeystihii Somaliya qaybsaday waxay aaminsanaayeen inay



Somaalidu waa dadka isku isir ah oo hal oday kasoo askumay. Ma aha Oromo ama Qowmiyado kale waa Somali dhalad ah ab iyo isir.


1984 markii gumeystuhu shan u kala qaybsaday baa cudurkii ugu horreeyey Somali ku dhacay. Waa lakala qoqobay oo la kala qaybshay, laysku diray oo layskaga horkeenay qabiil iyo kala qaybin, wuxuuna Gumeystuhu hub isugu dhiibay laba wada dhashay si uu danihiisa ugu fulaan. Wuxuu laayey halyeeyo aragti dheer lahaa, wuxuuna xabsiyada ku guray wax-garadkii markaa noolaa!



Gumeystihii Somaliya qaybsaday waxay aaminsanaayeen inay Somalidu aysan la mid ahayn dadka kale ee ay gumeysanayeen, kana dadnimo iyo aragti dheer yihiin Qumiyadaha kale ee la dariska ah sidaa daraadeed, bay waxay u kala qaybiyeen shan si aan xoog-goodu iyo dadnimadoodu u midoobin.


Qofka Somaaliga ah waa ogaa inaan sanku-neefle kale ka sarayn lakiin cadow kala qoqobey, mar ay noqotoba midoobidonaan! Waligood raali kama noqon ama kuma fakarin inay la noolaadaan wadamada dariska Somalida la ah ee Itobiya iyo Keenya, Jabuutina inay gooni isu taagto waxaa ku khasbay Gumeysihii gacanta ku hayey.


Haddaba, taliskii kaligi talis ahaa ee uu hogaaminaayey Maxamed Siyaad Barre ayaa dhibaato xannuun badan u geystay dadkii Somaliyeed ee aaminsanaa SOMAALI baan ahay. Wuu kala qaybshay si uu cimrigiisa u dheeraysto, wuxuu abuuray eex, qabyaalad iyo quluubtii ummadda Somaliyeed oo uu cuduro ku beeray, wuxuuna dilay dad tiro aan lagu koobi karin oo haldoorka Somaliyeed ahaa oo cidwalba lahaa.


Xukunkii kacaankii Siyaad Hor-boodayey waxuu kuso dhamaaday meel cid-la ah iyo sagoo dad iyo dhul midna haysan oo QAXOOTIGA ah inuu ku dhinto dal shisheeye, dadkii iyo dalkii u hogaanka u ahaana asagoo HOLCAAYA uu ka baxsado.


Haddaba, Muuse Biixiyow, garqaado Somaliland waa Somali dadka ugu nasabsan, ugu wadanisanaa, ugu dhul jeclaa, ugu hal abuurka iyo kartida badnaa. Haka dhigin OROMO iyo dad aan u dhigmin nasabadood, waa Somali kuwa u sarreeya, waana og-yihiin.


Muusow, ha siin dhulkeenii hooyo Itobiya adigoo ka caraaya Somalinimada, Somalidu waxay ku faantaa: Somaali baan ahay, sanku neefle ma ogoli inuu iga sareyn karo, waa halhayska Somalida.


Cimri dheer kuuma harin ee ha raacin dariiqii khaldanaa ee SIYAAD BARRE Somaliya ku haligey, Somalina cadow haw-haligin, yeyna Itobiya oo ah CADOWGA soo-jireen ah ee Somaliyeed kaa faa’iideysan, maantaad wax sixi kartaa, barito waxba ma qaban kartid aan shalay ahayn.


 

Mahamud J. Farah

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...