Ka Daneysiga & Baahida Waa Iskaga Mid Inta Xilka Qabataaba, Sida Ey U Baden Yihiin

0
Tuesday July 09, 2019 - 14:13:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka Daneysiga & Baahida Waa Iskaga Mid Inta Xilka Qabataaba, Sida Ey U Baden Yihiin

    Furitaanka 30MCH cusub, guud ahaan somaaliland sanada 2019 ayaa u qorsheysneyd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Furitaanka 30MCH cusub, guud ahaan somaaliland sanada 2019 ayaa u qorsheysneyd

oo laga taageero gunada shaqaalaha & qalabka xarunta caafimaad, xoogaana laga taageero shaqaalaha gunadooda, lakin masuuliyinta waxey ka door bideen dalxiis & tamashleyn lagu geeyo Qaahira, dubai & Istanbul, sidaas waxa yidhi mid ka mida shaqaalaha hayada S/land ka tageera caafimad ka oo safar shaqo ku yimid Somaliland dabayaqadii 2018

Sanad kama soo wada wareegin markaan mid ka mida sarakiisha ugu sareysa hayadaha UN ta oo ahaa qof somalilander kula kulney somaliland, waxaan isku dayey in aan wax ka ogaado mashaaricda Somaliland ka fulin karaan. Waxa uu ii xaqiijiyey sarkaal kaasi, iney mudo todoba caano maala hargeysa ku casuumeen wasarada caafimaadka si aan baahiyaad kooda u ogaano deedna qoryashahana ugu darsano mashaaricda ay ka fulinayaan 2019.


Nasiibdaro agaasimaha guud & dhawr agaasime waaxeed shirka kala soo qeyb galey, baahida ugu weyn ee mesha ka sheegteen waxey noqotey safar lagu geeya Qaahira, dubai, Istanbul & Nairobi, sobabna waxey ka dhigteen u kuur galida sida ey u shaqeeyaan xarumaha caafimad ka wadamadaasi, & sidoo kale dhawr loo shaqaaleysiyo ama mushaar loogu qoro, uguna soo nastaan madaxda wasaarada caafimadka ugu sareysa.

Sarkaalku waxa ii xaqiijiyey iney diyaar u ahaa xafiiskoodu ugu yaraan 30MCH ka taageraan mid walba wax ka geystaan sanada 2019 mustaqbal kana sii kordhiyaan. Ujeedada ugu weyn safar koodu ku yimid hargeysa waxa uu ahaa ka qeyb qadashada baahiyaadka caafimaad ka somaliland lakin hada ma garan karno waxa aanu kaga qeyb qaadano, waayo masuuliyiinta wasaaradu waxa uu hadafkoodi ku soo ururey;-

1 Dad loo shaqaaleysiyo.
3 Safar wadamada jaarka ah lagu tago,
4 Waxa kale ka codsadeen iney dhawr dhakhtar mushaar siiyaan, si gaara ugu xidhan masuuliyinta wasarada caafimadka.
5 wixii gadiid laga kireysto masuuliyiinta wasarada gaadiid kooda.

Qore Nimcaan Mohamed muse

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...