Tuug Daalina Iyo Caasi Baad Tamar U Yeeshaane (Abdi-Shotaly)

0
Thursday February 22, 2024 - 10:09:59 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tuug Daalina Iyo Caasi Baad Tamar U Yeeshaane (Abdi-Shotaly)

    * N.B Awrkii Madax Taaj Loo Geahaa, Waa Tusmo Habaabe!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Awrkii Madax Taaj Loo Geahaa, Waa Tusmo Habaabe!

Ummad yahay, haddii qofka wax aanu hayn lagu sheego, wuu isla baxaa, sidda askariga ku jira guriga moorgan, ee bal horta ila eega maqaalkan. Markii aqoon darraddii wax weyn laga dhigay, ee dadkii aqoonta lahaa iyo daacaddii la yidhi wax-ba sheegi-maayaan, ee la adeeg-saday mid-ba kuu ka xumaa, hanti boobkii la amaanay, baa Illaah ha u naxariistee "Xaaji Aadan Af-qalooc" Tixddii la odhan jirey " Dalmar" Baa isaga oo ka yaabay sidda wax yihiin, iyo kuwa ummadda hor boodaaya ee wax allaale wax ay ku wanaagsan yihiin aanay jirin dhan kaste oo loo eedgo, wax ay cunaan, baabi'iyaan, isku dilaan mooyaane aan abdo kale lahayn, baa waxa ka mid ahaa ereyadda ku jira Gabagay-giisa " Taaj madxa awr loo gashaa, waa tusmo habaabe, iskaa wax u tabciyo, khaayinimo la isku taageerye, qawaaniin u taaliyo nidaam, taxan ma eegaane,Tuug daalin ah iyo caasi baad tamar u yeesheene, toorey af badan baw xidheen, taarig xoog-sadaye, Tacliin baa u dhib-teen, midaan tuna ka sheegayne, nin waliba halkuu uu turqaday, taabka ku ad-keeye, waashmaan kol ay tahay, ninkii taabay meel dheregye" Akhrisataw marka aad dib ugu noqoto wakhtitga uu (Ihun) uu Xaaji af-qalooc tirinaayey Gabagan, oo ahaa sanadaddii dhawr iyo lixdankii, marka aad dib u eegto, waxad moodaa, in uu maanta nool yahay, oo uu ka hadlaayo ta hadda ka taagan Somaliland, oo aan biyo is marin. Dhamaan waxa meesha joogaa ee beelaha loo maqaar saaray, waa awr-taas madaxa taajka loo sudhay iyo laguma dhaamee dhaqaaq.



Muwaadin inaka baa dadka sii waala, marka aynu dirano mid aan lagu soo dhawaan, oo khayr laawe ah. Wax ma hubsano, ee reer hebel baynu ku dooranaa, hadhawna cabaad baynu ka wadhnaa. Waxa inala hadhay, oo halkaa ina dhigay, mid aan wax uu ku wanagasan yahay jirin, oo aynu hore u naqaanay sal iyo baar waxa uu yahay, sidda uu u fekero, inta ay maskax-diisu le'eg tahay, farsamoo-yinka uu ku ceesho, kana dheregsa-nahay taariikh-diisu waxa ay ku suntan tahay, wax uu istaahilaa aanay jirin haba-yaraatee, wacad lahayn iyo wax aad ku aaminto, khasaare mooyee aan abid la arag isaga oo faa'iido soo kordhiyey, baa aynu buun-buunaa, uu dhiibnaa wax aanu geyin, noqon karin baynu faraha ka saarnaa, oo aanu hawaysan karin, aqoon u lahayn iyo maskax uu ku maamulo. markaas baynu ku rarnaa magacyo lagu dhoo-dhoobaayo, oo aanu u qalmin, meela u soo marin, u lahayn waayo'aragnimo, markaas baynu ugu yeedhnaa magaco sii lumiya, sidda Mujaahid, madax-weyne, Madax-dhaqmeed, siyaasi, wax garad, aqoon yahan iyo wax ka sii daran, oo aanu qof-kaasi sinaba u qaadi karin mansuuliya-deedda, waxaynu kala guud dhacnaa xil ummadu leedahay, isma weydiino waar ma ku haboon yahay mise waa waraabe hilbo ku rar? Ummadda xil maw qaban karaa? Iyo su'aallo la mid ah oo fara badan. dabeed waaka Siddii dameero saxayax daaqay laga baxo danaani-goodda, saw inaku markaa denbiga ma lihin.


Waxan ku soo xidhay maqaalkan, Askariga ku jira Xaafad-tooyadu ee "Raggii ma adigaa ka hadhay" Saw maaha " Awr-kaas madaxa taaj-ka loo geliyey" Bal muxuu maamuli, waa kaas siddii uu Xaaji Af-qalooc sheegay " ku tuntay sharciggii iyo nidaamkii qawaaniintii inoo taalaye" saw maaha sifaha gabaygu sheegaayo ee uu yidhi " Toorey af badan baw xidheen Taarig xoog-sadye" ereyggii aad soo qaadaa-ba wuxu haystaa askariga, Waad og-tihiin, oo wax idinka qarsooni ma jiro, haddii aydaan is-yeel-yeelayn, dul iyo hoos-ba wax la idiinku sheeg, ha-yeeshee waxad ka doora-teen, Awr-kaas aad madaxa taajka u sudheen, kaas oo aan garan karin waxa luqunta ugu jiraa waxay yihiin, ma aydin ogoli-din dadkii idiin daacadda ahaa ee idin haggii lahaa, Sidda Cabdiraxmaan Cirro, Xirsi Xaaji cali. Weli-ba waa la idiin soo adeeg-sadaa siddii aad lugta u qaban lahaydeen, haddii aad tihiin kuwan hoos ku yaala, Ina Murjin madoobe ( Waran-cade baad ugu yeedhaane), Maafush buubaa, Professor micna-yare ( Abdisaaan yaasiin), Gaboose oo saqiirey, Geenyo Shaaximan, Gaafaadhi,, Cali ( Madhane) Waa Cali mareexaane, Daamur, Bukhaari, Buuni, Cawil iyo qaar kaloo badan. Waxan-se idin-kaga ciil la'ahay, in aydaan wax-ba ka qaadayn, cid idin dooranay-saana aanay jirin, wax ku qaata, Ta ka dhacday Burco, ee ay si wacan isu raaceen Goboladda bari, naxliggiina uu illaah ka saaray waa IllAhay mahadii, mar ogaadeen kuwii isku diri-jirey.

* N.B Awrkii Madax Taaj Loo Geahaa, Waa Tusmo Habaabe!

Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...