Daayeerku Dhashiisuu U Tagaa Waa Xaqiiq , Waxaa La Mida 2 Nin Ee Hogaanka Somaliland.

0
Wednesday February 21, 2024 - 12:10:40 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daayeerku Dhashiisuu U Tagaa Waa Xaqiiq , Waxaa La Mida 2 Nin Ee Hogaanka Somaliland.

    Dhalinyarooy Ka Horyimaadda Arintaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalinyarooy Ka Horyimaadda Arintaa.


Dhibaatooyinka U Gaarka Ah Ee Maamulka Muse Biixi Iyo Ina Kaahin Ay Dhaliyaradii Wadanka U Geysteen Ee Inooga Muuqda Xaqiiqada Horteenna Taal. Caruurtoodii Oo Dhalinyaro Xabbad Suuqa Madaxa Ka Tooganaya, Caruurtii Muse Biixi Oo Xafiisyada Dhalinyadii Bilaa Dembiga Ahayd Ku Dhex Garaacaya Oo Qalabkii Boobaya Iyo Khasanadii Macaashka Shaqaaluu Ku Jiray Oo Cctv Gii Duubayso. Damiirka Muse Biixi Iyo Ina Kaahin Wuu Dhintay.



 

Waxaan ka hadlayaa dhibaatada dilka iyo xadhigga leh iyo dagaalada sokeeye ee dhilinyaradii reer Somaliland ay u GEYSTEEN labadaa askari ee bilaa damiirka ahi marka dadka kale dhaqaale burburin, siyaasad burburin iyo wixii kaloo dhan dhinac la iska dhigo. Inta DHALINYARO aqoonyahana wadanka ka carartay, inta suuqa Sirdoonka leexsan ee ilma MUSE Biixi ku laayeen ku dhex garaaceen welina hawshaa ay MUSE Biixi iyo ina Kaahin ka masuulka yihiin waxaasoo dhiiga iyaga loo haysto.


 

Dhalinyarada reer Somaliland waa inay iska difaacaan Sirdoonka leexsan ee Muse Biixi iyo ina Kaahin Wadanka Somaliland ka dhex sameeyeen. Imisa dhalin yara ah baa dagaalka Sool ku dhintay welina gaajo Hub isla hor fadhiya illaa maanta. Waxaa ka masuula labada Askari ee bilaa Damiirka ah. Hadda waxay faraa kula jiraan dagaal Somalida dhilinteeda iyo Ethiopian bad Soomaaliyeed doonaya inuu ka dhex qarxo Awdal, Jabouti oo lagu madho. Labadan Askari waxay soo wadaan dhibaato badan oo dhalinta reer Somaliland gumaadaysa.


 

Waxaan kula talinyarada reer Somaliland oo dhan MUSE Biixi iyo Ina Kaahin reerna Dan kama leh ee waxaa idiin dhaxala waxaa dhacaya aqoon yahan ilig iyo aqoon yahan Cabdimaalig ku dhacaya wasiir Cadami waa beenaale waa in maxkamadda lagu soo taagaa dilkii uu ku xukumay Cabdimaalik Coldoon.


 

Waxaa la yidhi Daayeerku Dhashiisuu Fuulaa Waa Xaqiiq Jirta Waxaa Ka Dhigan Muse Biixi Iyo Ina Kaahin Waxay Ku Hayaan Aqoon Yahankii Yaryaraa Ee Reer Somaliland Dil, Jidh Dil, Xadhig Iyo Wadan Ka Caydhin Runtii Waa Madax Daayeero Noqotay.


 

Wax Caqli Gala Maaha Jabouti Iyo Berbera Dhexdooda Ayaan Xabashi Siinayaa Oon Dekad Uga Samaynayaa ,Berbera Iyo Jaboutina Waan Xidhayaa . Imisa Dhilin Yara Ahbaa Somaliland, Jabouti Iyo Somalida Kale Kaga Dhimandoona. Waa Belaayo Aanuu Qalbiga Islaamka Ahi Qaadan Karin.


 

Dhalinyarooy Ka Horyimaadda Arintaa.

 

Wa Billaahi Tafiiq

 

QORAA BASHE-BUURDHEGSYSTE.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...