Awdal kooto miyay u baahan tahay? (Cali Biixi)

0
Wednesday February 21, 2024 - 11:57:25 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Awdal kooto miyay u baahan tahay? (Cali Biixi)

    Sidaa ayuu somaliland ku yimi , waxaana loo soo dhaweeyay..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaa ayuu somaliland ku yimi , waxaana loo soo dhaweeyay..


Professor Axmed Samatar waxa uu ka mid ahaa dadkii ka soo horjeeday gooni isutaaga iyo madax banaanida iyo dawlad nimada somaliland,
Muddo 26 sano ah .



wax kasta oo xun wuu kula dhaqmay somaliland. hadaba markii uu madaxweyne isu sharaxay Muqdisho ee uu cod qudha waayay, ayuu cafis waydiistay xukuumaddii A.siilaanyo .


Sidaa ayuu somaliland ku yimi , waxaana loo soo dhaweeyay sidii geesi qaran gobol kasta oo dalka somaliland ka mid ah .


Aad ayay shacabka reer somaliland ugu han weynaayeen , laakiin nasiib daro waxa uu ku biiray xisbigii kulmiye ee dulmiga badan geystay . Oo Professor Axmed Samatar ayaa qoray buugii barnaamijka xisbiga kulmiye doorashadii uu ku galay ee M.biixi ku guulaystay 2017-kii madaxweyne nimada somaliland ku helay .


Waxaanu Professor Axmed Samatar ugu ballan qaaday ,
hadii uu guulaysto. In uu ka dhigo wasiirka arimaha dibeda.
Laakiin wuu ku ballan furay.


Professor Axmed Samatar ma ahayn qof u baahnaa in kooto gobolka awdal loogu xidho .
( laakiin isaga ayaa xisaab xumaystay oo isdilay , oo dadkii isnacsiiyay.
(Siyaasada ayaa ka qaldan tahay , aragti siyaasadeed la'aan awgeed).


Waxa u banaanayd In aanu ku biirin xisbiga muxaafidka ama xisbiyada mucaaradka, ee uu dhex dhexaad ka noqdo.

Maanta xisbigiisu , wuu soo bixi lahaa.

Ex-madaxweyne Riyaal oo ay gobol ka soo wada jeedaan , waxa uu ka guulaystay 2003-gii doorashadii madaxweyne oo ka guulaystay Axmed Siilaanyo oo qabiilkiisu 5 gobol degaan , oo waxa uu la yimi barnaamij siyaasiya oo wax qabad ah .
Sidaasna wuu ku guulaystay.


Maantana Professor Axmed Samatar waxa uu ku meeraysanayaa khilaaf abuuris iyo kooto ha laygu xidho gobolka Awdal xisbigayga oo uu keligii taliyaha la nacay garabkiisa taagan yahay .


Professor Axmed Samatar waxa u roon in uu siyaasada iskaga fadhiisto , kol hadii uu ku saaqiday .
Oo uu maanta asqeysan yahay oo uu ku guul daraystay Muqdisho iyo hargeysa-ba .


Waxaan Professor-ka kula talin talaa,
Macalin nimadaada iyo muxaadarooyinkaaga , iskaga ekow oo siyaasada iskaga hax , waad ku saaqidaye.


Cali Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...