Hargaysa: Gabadh Ilaahay Cayday Oo Lagu Xukumay 3 Sanno Oo Xadhiga Ah
"Waxaana sidoo kale sannad iyo Lix bilood lagu xukumay laba dumara oo la socday"
Hargaysa (HWN) Booliska Somaliland ayaa sheegay in dumar ay ku soo qabteen dhaqan xumo iyo Ilaah Cay ay Maxkamadu ku riday Xukuno kala duwan.
"Maxkamadda degmada Hargaysa ayaa saddex sannadood oo xadhiga ku xukuntay Haweenay dhawaan Ciidanka Boolisku gacanta kusoo dhigeen oo ku eedaysanayd inay Illaahay cayday!.
Waxaana sidoo kale sannad iyo Lix bilood lagu xukumay laba dumara oo la socday , kuwaasi oo iyaguna ku eedaysanaa dhaqamo xun-xun.
Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu bulshada ugu baaqayaa inay ka fogaadaan dhaqamada noocaasa ee kasoo horjeeda Diinteenna suubban ." Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.
Loading...
Loading...