"Maxkamaduhu Gole Saddexaad Oo Xeer Dejineed Maaha" Garyaqaan Guuleed Dafac.

0
Wednesday February 21, 2024 - 11:28:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maxkamaduhu Gole Saddexaad Oo Xeer Dejineed Maaha" Garyaqaan Guuleed Dafac.

    "Balse ma khuseyso awoodda xeer dejintu u leedahay inay sida ay ula muuqato"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Balse ma khuseyso awoodda xeer dejintu u leedahay inay sida ay ula muuqato"


Hargaysa (HWN) Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa sheegay in Maxkamadu aanay hayn gole seddexaad oo xeer dejineed, isagoo ka hadlaya qodobka Boqolayda ee muranku ka taaganyahay, sida  uu garyaqaanku ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.



"Maxkamaduhu gole saddexaad oo xeer dejineed maaha. Awoodda xeer dejintu waxa ay gaar u tahay Baarlamaanka sida ku cad qodobka 38aad ee Dastuurka. Sidaasdarteed, garsoorku malaha awood uu ku faro geliyo xeer dejinta. Garsoorku waxa uu u xilsaaran yahay inuu ka gar naqo haddii la isku qabsado in xeer/qodob xeer ka mid ah uu jebiyay dastuurka, iyo haddii lagu murmo tafsiirka dastuurka/xeer. Ta hore ee la xidhiidha jebinta dastuurku waxa ay ku saabsan tahay in qodob si cad ugu qoran dastuurka uu xeerku jebiyay. Balse ma khuseyso awoodda xeer dejintu u leedahay inay sida ay ula muuqato u dhigto masalo aan dastuurku ka hadlin ama uu dastuurku uu u xilsaaray in xeer dejintu ka soo saarto xeer. 


Tusaale ahaan, hanaanka doorashada xisbiyadu waa shay aan dastuurku kaba hadal. In ururo la samaysto tobankii sanadood hal mar maaha xuquuq dastuurku ku qoran ee waa mid uu jideeyey Baarlamaanku. Waa ka soo koobi karaa oo shan sanadood ayuu ka dhigi karaa ama si kale ayuu u dhigi karaa Baarlamaanku. Qaabka loo dooranayo xisbi ma sheegin isna dasturuku ee waxa uu si cad ugu xilsaaray Xeer dejinta oo aan cidina ku qabsan karin. Laba shardi ayuu ku xidhay dastuurku baarlamaanka:


1. Inaan tirada xisbiyadu ka badan karin saddex (taas oo dhinaca kale ah in mar walba dalku yeesho xisbiyo badan); iyo 

2. Inaan xisbi ku dhisnaan karin qabiilaysi iyo gobolaysi.


Qofka odhanaya 20% waxa uu ka soo horjeedaa dastuur oo waxa soo geli kara maxkamad, haad burhaanak. Maxkamaddu ma jaanbar saddexaad oo Baarlamaanku leeyahay baa?


Garsoorku wax badan ayuu hawl u taal ka meeraystay. Mid aan u ool inay dhex galaan doorkan, waa gar darro.
Loading...
Loading...