Ciyaal Xaafadkiisa midaan cod ka helayn ayaa Xisbi qaran u wada xaydxaytay?.

0
Wednesday February 21, 2024 - 10:38:28 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaal Xaafadkiisa midaan cod ka helayn ayaa Xisbi qaran u wada xaydxaytay?.

    Xisbigii Dalka xukum kii rabow Dadka dacal ilaa dacal kasbo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbigii Dalka xukum kii rabow Dadka dacal ilaa dacal kasbo.



Waxa la yidhi Orgi Giir iyo Geeso dheer leh oo Adhi ku jiray ayaa marka adhiga la foofiyo ee ay Daaq tagaan ayuu maalin oo dhan intuu kolba dacal adhiga u dhex cararo ayuu ku yidhaahdaa Adhiyow Geesahayga iyo Giirkayga ku Daaq!, Hadaba markay casar-gaabka iyo carrawgii gaadho, Cadceeduna liiqda dhigto, ayuu Orgigii Maalintii oo dhan adhiga ku Qalaadaayey ee gees roortaynaayey uu sanqad tirtaa, wuxuuna miciinsadaa dhanka rida riyaha Hormoodka u ah, ayuu ku yidhaahdaa Garroy dibkaa Igirif-giriflehe Intuu I joogsanaayo Bal adigu Adhiga horgal ama horkac!.



Hadaba orgigaa Giire waxa ka dhigan Nimankii Xisbi maaganayaasha ahaa ee qayladooda iyo goodigooda laga fadhiyi waayey ee markii la yidhi Ururo waad noqoteen se si aydun Xisbiyo qaran u noqotaan Tabtii caadada inoo ahayd ee aynu kusoo dhaqannay, waa in aydun ka heshaan 20% boqolkiiba Labaatan gobolada Dalka Gobal kastaba, ayaa Tabtii Orgigii Giirre ku yidhi Inantii kaliyee Ururka wadatay Marwo Rooday kac oo yeelimayno Noodheh!.


Hadal iyo dhamaan Shaqsigii han Maamul leh ee Dalkan Jamhuuriyada barakaysan inuu Xisbi uu hogaanka Dalka ku qabto doonayaa, waa in uu wada kasbadaa gobolada Dalka oo dhan si uu u unkumo Xisbi qaran oo Bari ilaa Galbeed lawada leeyahay oo laga wada muuqdo taas ayey danta Dalka iyo wax wada lahaanshaha Ummadu ku jirtaa, se Xisbiyadan Gacanta Kulmiye ku samayska ah ee cod ku biirsiga ah si hadhaw Haanta Kulmiye layskugu geeyo wax soconaaya maaha ee Fadlan Ciyaala xaafadkiisaba midaan Cod ka hellahaynow Billaah Calayk Xisbi qaran u soo xayd xaydashada naga daa!.


Xisbigii Dalka xukum kii rabow

Dadka dacal ilaa dacal kasbo.

Khadar Hooyoley Fartaag

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...