"Si loo helo Boolis casri ah oo Somaliyeed waa in gabdho wax baara la geeyo saldhigyada"
Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayey taliyaasha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in si loo helo boolis caafimaad qaba oo casri ah ay mudan tahay in xarumaha booliska la geeyo gabdho saraakiil ah oo aqoon leh.
"Saldhig kasta gabar sarkaalad ah oo xirfad leh oo aqoon leh, oo wax baari karta waa inay joogto waaye, in aan hadafkaas raadino weeye, intaan ka gaarayno, maanta haddii an hal saldhig ama labo gayno, bari waa inaan shan gayno ilaa saldhig kasta la helo inay joogto gabar sarkaalad ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Booliska Soomaaliya ayaa muddooyinkii danbe waday talaabooyin lagu hormarinayo hababka casriga ee booliska balse Madaxweyne Xasan ayaa kula dardaarmay saraakiisha inay ka fogaadaan waxkasta oo wax u dhimaya sumcada booliska.
Loading...
Loading...