Faysal Oo Sheegay In Dilka Cabdinaasir Ay Uhaystaan Habargidir.

0
Tuesday February 20, 2024 - 22:02:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1995
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Oo Sheegay In Dilka Cabdinaasir Ay Uhaystaan Habargidir.

    "taliyaha NISA G. Banaadirna waa Wacaysle"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"taliyaha NISA G. Banaadirna waa Wacaysle"


 
Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aan dawladi kajirin Somaliya, isla markaana dil dhawaan Muqdisho loogu gaystay wiil reer Somaliland ah ay uhaystaan beesha Habar-gidir, sida uu Faysal ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.



"Madaama  anaay dawladi ka jirin Somalia, Dilkii marxuum Abdinasir (AUN) wuxuu nogu qoran Yahay Habar Gidir Iyo Wacaysle Abgal Taliyaha NISA waa Habar Gidir, ka C.I.D-na waa Habar Gidir, ka taliyaha Boliska G. Banaadirna waa Habar Gidir, taliyaha NISA G. Banaadirna  waa  Wacaysle" ayuu Faysal Cali Waraabe ku yidhi qoraalkiisa.


Marxuum Cabdinaasir ayay dawlada Somaliya sheegtay inay uhayso eedaysanayaal, kuwaasi oo la horkeeni doono cadaalada.


Dhinaca kale Aabaha dhalay marxuumka dhintay ayaa dawlada Somaliya ka dalbaday inay maydka wiilkiisa ugu keenaan Somaliland.
Loading...
Loading...