Diinta Islaamka Iyo Dhaqanka Iyo Hidaha Dadka.

0
Tuesday February 20, 2024 - 10:31:18 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diinta Islaamka Iyo Dhaqanka Iyo Hidaha Dadka.

    Hase ahaatee qolo kasta habdhaqanka nolosheedu...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hase ahaatee qolo kasta habdhaqanka nolosheedu...



Islaamku uma imaan inuu dhaqanka dadka dooriyo umana qasdin in uu suuliyo Hiddaha dadka ee aan dhibaatada wadan.


Meel kasta oo Dunida Muslimka ah waxaad arkaysaa caqiidada Muslimiintu waa mid qura,oo inta badan arkaanta Islaamka iyo lixda iimaanka kuma kala tagana,Oo sida salaadda looga dukado Indonisiya iyo sida Marooko looga dukado waa isku mid. Isu bil bay Ramadaanta soomaan,xaga xalaasha iyo xaaraanta la soo heli maayo hal balad oo Islaam oo Doonfaarka laga cuno oo uu xalaal ka yahay.



Hase ahaatee qolo kasta habdhaqanka nolosheedu waa u gaar,isku si dharka uma xirtaan,isku si uma cayaaraan,isku cuntana ma cunaan inta badan.


Dhaqanka Indonisiya Islaamka ma badalin,sidoo kale kan Hindiya iyo Maali Isaamku ma badalin,


Sii wad oo dhaqanka Suudaan iyo midka Soomaalida iyo kan Naigeria Islaamku iskuma howlin inuu badalo. Oo ma fara galin sida ay dharka u qaataan iyo sida ay u dheelaan cayaar dhaqameedkooda.


Rasuulka scw wuxuu sugay oo qadariyay dhaqankii Reer Madiina,kama uusan hadlin nashiidadiiiyo cayaartii ay ku soo dhoweeyeen.


ويروي عبيد الله بن محمد بن عائشة رحمه الله (228هـ) قال :

"لما قدم النبي صلى الله عليه وسلم المدينة جعل النساء والصبيان والولائد يقلن :

طلع البدر علينا ** من ثنيات الوداع

وجب الشكر علينا ** ما دعا لله داع "

رواه أبو الحسن الخلعي في "الفوائد" (2/59) ، والبيهقي في "دلائل النبوة" (رقم/752 ، 2019) ، وعزاه الحافظ ابن حجر في "فتح الباري" (7/261) لأبي سعيد في "شرف المصطفى" : جميعهم من طريق العلامة الأخباري الثقة أبو خليفة الفضل بن الحباب (ت 305هـ) ، انظر ترجمته في "سير أعلام النبلاء" (14/7) ، عن ابن عائشة به .


Wuxuu tixgaliyay suugaan jacaylkoodii oo wuxuu caa'isha ku yiri mar ay guurinaysay gabar gurigeeda lagu soo dhigaaliyay oo ansaar ahayd:-caashaay gabadha ma u keenteen gabdho u heesa,oo durbaan u tuma oo maaweeliya,waayo qoomkaan ansaar waa dad fanka iyo suugaanta aad u jecele.


فعن عائشة رضي الله عنها أنها زفت امرأة إلى رجل من الأنصار فقال النبي صلى الله عليه وسلم: يا عائشة "ما كان معهم من لهو؟ فإن الأنصار يعجبهم اللهو‍”.رواه البخاري في اذاب الزفاف.


"Caa'isha rc waxa laga wariyay in mar ay u guurinaysay gabar ay ehel yihiin oo Ansaariyad ahayd uu Rasuulka scw ku yiri:Caashaay wax lahwi iyo cayaar ah ma u diyaariseen gabadha waayo ansaar waa dad jecel oo hiddo u leh lahwiga iyo cayaaraha eh"


وقال ابن عباس: زوجت عائشة ذات قرابة لها من الأنصار، فجاء رسول الله صلى الله عليه وسلم فقال: "أهديتم الفتاة؟ قالوا: نعم. قال: أرسلتم معها من يغني؟ قالت: لا. فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: إن الأنصار قوم فيهم غزل، فلو بعثتم معها من يقول: أتيناكم أتيناكم، فحيانا وحياكم”؟اخرجه ابن ماجه وصححه الاصفهاني.


"Cabdullaahi ibnu Cabaas rc waxaa laga wariyay inu yiri:-Caa'isha ayaa uguurinaysay gabar qaraabo la ah oo Ansaarta ka mid ahayd,Rasuulka scw ayaa yimid wuxuunayiri:-war gabadha hadiyad ma siiseen?! Waxay yiraahdeen haa,misana wuxuu yiri Rasuulka scw:-gabadha ma u dirteen cid u heesta?!Cas'isha waxay tiri maya,hadana Rasuulka scw wuxuu yiri:-reerkan Ansaar ah waa dad hal abuurka iyo suugaanta ku xeel dheer oo way fiicnaan lahayd hadaad u diri lahaydeen cid maaweelisa oo tiraahda:-waan idiin nimi oon idiin nimi oo waan idin salaanay ood na salaanteen..."


وعن عائشة أن أبا بكر رضي الله عنه دخل عليها وعندها جاريتان في أيام منى (في عيد الأضحى) تغنيان تضربان، والنبي صلى الله عليه وسلم متغش بثوبه، فانتهرهما أبو بكر، فكشف النبي صلى الله عليه وسلم عن وجهه، وقال: "دعهما يا أبا بكر، فإنها أيام عيد”.


"Caa'isha rc waxaa laga wariyay in uu Abuubakar rc u soo galay iyada oo ay la joogaan laba gabdhood oo heesaya durbaana tumaya ayaamihii mina ee ciidul adxaa,tiiyoo uu Nabiguna scw uu hurdo agtooda isaga oo go'iisa ku duuduuban,Abuu bakar baa gabdhihii canaantay,markaasaa Rasuulka scw uu maradii wajigiisa ka fayday kuna yirii Abuu bakar iska daa gabdhaha Abuu bakaroow maanta waa ciide".


Wuxuu kaloo Rasuulka scw daawaday cayaar ay Xabashida hiddo iyo dhaqan u lahayd oo ay niman Xabashi ah hortiisa ku soo bandhigeen.


وعن عائشة رضي الله عنها انها قالت : لقد رأيت النبي (صلى الله عليه وسلم ) يسترني بردائه وأنا أنظر إلى الحبشة يلعبون في المسجد حتى أكون أنا الذي أسأمه فاقدروا قدر الجارية الحديثة السن الحريصة على اللهو" (متفق عليه)


Sidaa si la mid ah Rasuulka scw wuxuu sugay caadooyinka dadka iyo wixii ay isku daweyn jireen ee tuf iyo tahaliil ah haddii aysan ku jirin wax dhib ku ah caqiidada diinta islaamka.


"Caa'isha rc waxaa laga wariyay inay tiri:-waxaan arkay Rasuulka scw oo igu asturaya go'iisa anigana aan fiirsanayo Xabashi Masaajidka ku dhex cayaaraysa ilaa aan ka daalay,bal idinka qiyaasa inta ay ku daashay gabar dhalin yaro ah oo madadaalada jecel"


أخرج مسلم في صحيحه (2200) عَنْ عَوْفِ بْنِ مَالِكٍ الْأَشْجَعِيِّ، قَالَ: كُنَّا نَرْقِي فِي الْجَاهِلِيَّةِ فَقُلْنَا يَا رَسُولَ اللهِ كَيْفَ تَرَى فِي ذَلِكَ فَقَالَ: «اعْرِضُوا عَلَيَّ رُقَاكُمْ، لَا بَأْسَ بِالرُّقَى مَا لَمْ يَكُنْ فِيهِ شِرْكٌ»


"Cowf ibnu Maalik al ashjaci rc wuxuu yiri:-waxaanu ahayn kuwo tufta isku dabiiba waqtigii jaahilga,Rasuulka scw ayaan ku niri sidee u aragtaa arintaas?!!


Rasuulka scw wuxuu yiri:-bal ii Soo bandhiga tuftiina waayo tuftu dhib ma leh hadaysan shirki ahayn.

Walaalayaal sida aan ujeedno Nusuustan iyo kuwo kale oo tiro badan waxay daliil u yihiin sida uusan Islaamku u taargad garayn fanka iyo suugaanta iyo heesaha iyo cayaar dhaqameedyada ay lahaayeen bulshooyinkii uu u yimid.


Nusuusta tilmaanta heesaha la xarimay giddi waxay Culimada ku fasiraan inay yihiin kuwa ka tarjumaya dambiga iyo dhaqan xumada iyo marka si xun loo adeegsado oo la dhex galiyo fuxshi,Khamri,daroogo iyo tumasho.


Hadiise intaas laga ilaaliyo ay yihiin kuwo banaan oo aan waxba ku jabnayn.

Intii 14 qarni ku siman ma jirin faham Islaam oo ku aadan dhaqan la dirir,arimahaan waxay soo baxeen oo la buun buuniyay intii ay xoogaysteen fahamyada diineed ee ku kalaabtirsada qaar ka mid ah xarakooyinka Islaamiga ah,ee caalamka Islaamka ka soo shaac baxay qarnigii tagay,iyaga hortood lama aqoon wadaado hiddo iyo dhaqan beegsada oo iyada oon la kala qaadin munkar ku sheega hidaha iyo dhaqanada ay leeyihiin Bulshooyinka Muslimka ah.


In kasta oo goorahaan dambe laga helayo rag ku abtirsada fahamyadaa aan soo tilmaanay oo iminka ku dooda inaysan sax ahayn in la beegsado dhaqanada iyo hidaha dadyowga Muslimiinta oo si caam ah munkar loogu sheego iyaga oon la kala qaadin.


Suugaanta iyo Hiduhu waxay ka mid yihiin waxyaabaha lagu aqoonsado sooyaalka taariikheed ee ay Umadi leedahay sidaa darteed ma haboona in lagu beegsado magac diineed haddii aysan waxba u dhimaynin akhlaaqiyaadka la mahdiyo ee uu Islaamku ku baaqayo.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...