Wasiir Kaahin Oo Xafiiskiisa Saaka Ugu Yeedhay Ururka Saxafiyiinta SLAND Ee SOLJA.

0
Tuesday February 20, 2024 - 10:07:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Kaahin Oo Xafiiskiisa Saaka Ugu Yeedhay Ururka Saxafiyiinta SLAND Ee SOLJA.

    "Kulamo danbe ayay isla qaateen Wasiirka ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kulamo danbe ayay isla qaateen Wasiirka ..."



Hargaysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan soo dhowayn ah la qaatay hoggaanka Cusub ee Ururka Suxufiinta Somaliland ee SOLJA.



Kulankan oo ka qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL ayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Masuulinta Ururka Suxufiinta Somaliland isku xogwaraysteen, Wasiirka ayaa soo dhoweeyey Hogaanka Cusub, iyadoo laga wada hadlay sidii ay u wada shaqayn lahaayeen Ururka Suxufiinta ee SOLJA, guud ahaan Warbaahinta madax banaan iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.


Kulamo danbe ayay isla qaateen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyo hogaanka Ururka Suxufiinta ee SOLJA.


Waxaa kulankan Wasiirka ku wehelinayey Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.


Ururka Suxufiinta waxaa hogaaminayey Gudoomiyaha Ururka Suxufiinta ee SOLJA  Shaafi Maxamed Ibraahim iyo Masuulinta kale ee hogaanka Ururka.

Loading...
Loading...