Maantay Iigu Daran Tahay Ee Halkaan U Ciirsadaa ( Abdi-Shotaly)?

0
Monday February 19, 2024 - 14:06:16 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maantay Iigu Daran Tahay Ee Halkaan U Ciirsadaa ( Abdi-Shotaly)?

    * N.B Mawjado Gurxamaan Dhex Gallay, Ee Ilayn Gees Loo Baxaana.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Mawjado Gurxamaan Dhex Gallay, Ee Ilayn Gees Loo Baxaana.


Horey Somalidu ugu Maah-maahday " Qofka soo joog laga waayo soo jiif baa laga helaaye" Askariggii Raggii Ma Adigaa Ka hadhay" Iyo kooxihii ka daba subcin jirtay ee " Digsi Xagato iyo Jin-Dagaagay" Haday ku foorartaa, oo meel ka baxaan ay la' yihiin. Rabbi haw naxariisto'e Abdalla Zagzaag baa hees u qaadi jirey ay eteya-deedda ka mid ahaayeen " Mawjado Gurxamaan Dhex-galayoo,Bad Baa Igu Gaaf-Wareegsan, Oo Cirkaan Gabal Ka Arkayaaye, Ilayn Gees Loo Kacaana, ilayn Wax Garaaba-yaane, Amase Geed La Cuska-daana" Akhristaw midha-haasi imika baynu haynaa iyadoo hees-taasi ahayd 1973. Waxan uga socdaa maamulka " Askariga Xaafad-Tooyadda" Hadda bay ku jiq tahay, oo ila-meeraysaddii,kolba derib isku qaadkii, bal ku day in ay kuu meel marto iyo jar iska xoornimaddii ay ku soo dabartay in uu waaqla ku curyaamo. Hadaba isagu ha is eersado,waa kaas badhidda dabka saaraye.



 

Wayo'arag la'aantu waxay qofka dhex gelisaa bad aanu ka dabaalan karin, marka lala taliyo ee lagu yidhaaho ka joog-na indhuhuu cirka u taagaa Waa sidda askariga ( Raggii Ma Adigaa Ka Hadhay), kaas oo meel uu ku sii marmar-sodaa aanay jirin iyo god uu ku baxsadaa mid-koodna. Golihii uu isku halayn jirey ee "Maqaaxidda Saleebaan Yuhuudi" Waxay si cad u yidhaaheen ha na sugin "Waxab kuuma hayno'e" Wakiila-diina waad ka war hayseen awel-ba halkay kala joogeen. Wuxu kula Shirley xalay "Xaafad-Tooyadda" Abdillaahi Dhegoole ( Waa darawale), Geenyo-Shaaximani, Rodda Ogaal isagoo telefoon kula xidhiidhayey Axmed Ismaaciil Samatar, Sidda uu sir-doonka naqaabani soo sheegay, wuxu weydiiyey Halkee baynu maanta u ciirsan karan, iga soo xidhantay arintii ahayd " Ila-Meerayso" Ee tallo keena, aniga iguma hadhine, way iga dhabaqsa-tahaye. Maanta bay iigu daran tahaye xageen u ciirsadaa?


 

Iyaba ilayn wax dhaama ma ahee, waxay kula taliyeen, oo yidhaaheen laba qodob mid samee, hadii uu ka hore inoo hir-geli waayo ka labaad baa inagu khasab ah. Wuxu yidhi askarigu waa maxay labadda qodob? Waxay ku yidhaaheen sidatan:-


(a) Maxakamadda Sare U Dir. Oo ku dheh dalku in uu Dagaal gallo bay rabaan labadda Gole, si taas looga badbaado, ka saara xeerka odhanaaya 20% waa in uu urur walba ka hellaa Gobol kaste.

(b) Haddii qodobka (a) ee sare inoo socon waayo, waa in aynu dagaal ridnaa deg-deg Ah, oo ka bilaabma Burco.


Muwaadin askariggii wuxu yidhi labadda qodoba waan qaatay, ta hore ee aan idiin sheegayaa waxa weeye, qorshaha dagaalka Burco waanu wadnaa, in aan isku dhufano HJ Iyo Garxajis, oo dabeed ku sii faafi Bari oo dhan, Saaxil Bari, waxan qorsha-haas gacanta ku haya " Geenyo-shaaximan" Midda kale ma doonaayo in uu dagaal-kaasi Hargeysa soo gaadho, in ay labadaas beel isku jabaan baan doonayaa, taas aniga dan baa iigu jirta, waxan leeyahay " Dalku Dagaal Buu Ku Jiraa" oo doorasho ma jirto, balse aynu ka war sugno Maxakamadu waxay tidhaaho, ee Urur walbaw-ba u diyaar garaw in ay beeshaadu I difaacdo, taas bay dantiinu ku jirtaaye. Kuna dadaala in ay beelaha kale inala dagaal galaan. Dagaal-kani wuxu uu u dhaxayn doonaa Reer Bari iyo Reer Galbeed, oo laga Saaro Reer Awdal iyo Reer Selel, ee sidaa ha inoo ahaato.


* N.B Mawjado Gurxamaan Dhex Gallay, Ee Ilayn Gees Loo Baxaana.

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...