Booliska Somaliya Oo Ka Hadlay Muwaadin Somaliland Ah Oo Maydkiisa Muqdisho Laga Helay.
"waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa "
Hargaysa (HWN) Ciidanka Booliska Somaliya ayaa ka hadlay aqoonyahan reer Somaliland ah oo ka shaqayn jiray garoonka diyaaradaha Muqidisho oo xalay maydkiisa laga helay gurigii uu ka degenaa Muqdisho.
Aqoonyahankan ayaa la odhan jiray Cabdinaasir Muuse, waxaynay ciidanku sheegeen inay baadhayaan sida uu falkaasi udhacay.
"Caawa fiidkii abaare 06:30 PM ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa oo ku yaala Waaxda Janaraal Daa’uud gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.
Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan, Ina Mako Nuur Dhimbil 32 Jir ahaa ku dhashay Gebiley waqooyi-Galbeed, Deganaa Degmada Wadajir, kana shaqeyn Jiray Hey’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed.
Ciidanka Boliiska oo goobta gaaray, ayaa bilaabay baaritaano la xariira dhacdada. waxaana gacanta Boliiska hada ku Jira ilaa 6 eedeysane iyo cadeymihii goobta loogu tagay, waxaa socda baarista kiiskan wixii ku soo kordha dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa.
Wa bilaahi Towfiiq
Loading...
Loading...