Dacas Maloo Xiran Karaa Shaqada Xafiisyada?

0
Tuesday July 09, 2019 - 07:48:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1807
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dacas Maloo Xiran Karaa Shaqada Xafiisyada?

    Kabaha dacaska ah, funaanadaha gacmo-gaabka ah iyo saraawiisha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabaha dacaska ah, funaanadaha gacmo-gaabka ah iyo saraawiisha

jilbaha jooga waa kuwa iska caadi ah xilliyada xagaaga ee uu kuleylka iyo huurka jiro, balse 'xafiisyada ma loola shaqo tagi karaan?.



Waxa ay ku xirantahay hadba shirkadda aad ka shaqaynayso sida uu qabto Prof Carolyn Mair oo ku taqasustay dabeecadaha iyo hab-dhaqanka dadka.


Dharkan ceynkan ah waxa laga yaabaa in ay yihiin wax iska caadi ah marka la joogo shirkadaha tijnoolajiyadda, balse shirkadaha waaweyn ee xagga maaliyadda sida bangiyada, waxa aad xirantahay waa in ay noqdaan labis aad looga soo shaqeeyay, waxa lagaa filayana waa wax aad u sareeya.


"Waxa aan xirano waa wax qeyb ka ah aqoonsi shaqsiyadeed ee aan leenahay, waana qaab dadku kaa filayaan in aad u eekatid" ayay tiri Prof Mair.


Waxa ay sheegtay in dadka qaarkood ay aad ugu rafaadaan wixii ay xiran lahaayeen ka hor inta ay guriga ka bixin, gaar ahaan marka ay doonayaan in shir ay galayaan u xirtaan dhar ay is leeyihiin waa ku habboonyihiin.


Vanessa Bell oo ka tirsan shirkadda Prettys Solicitors waxa ay qabtaa in meelaha qaar, sida guryaha dhismaha ka socda aadan u xiran karin waxa aad rabto, waxayna sheegtay in dadka meeshaas jooga ay kugu qasbanayaan in aad xiratid kabo daboolan.


Waxaa kale oo ay sheegtay in haddii aad ka shaqaynaysid meel xafiis aad u baahantahay in aad ogaatid dharka nooca laga ogolyahay iyo kan aan laga ogoleyn si aanan laguu ganaaxin.


Shirkadaha qaar ayaa hadda wax ka badelay sharciyadooda nooca dharka ee ay tahay in ay shaqaalaha xirtaan, waxaa ka mid ah shirkadda Goldman Sachs iyo JP Morgan, kuwaas oo markii hore shaqaalaha ay markasta qabi jireen jaakado iyo saraawiishooda oo isu eg iyo garabaati iyo kabo buud ah.


Tusaale ahaan shirkadda Virgin Atlantic ee diyaaradaha ayaa sannadkan sheegtay in ay gabi ahaanba joojisay sharci dhigayay in gabdhaha soortooyinka ah ee ka shaqeeya diyaaradaha ay marsadaan turuko iyo dharka ku dhegan.


Markii BBC-da ay dadka weeydiisay sida ay u arkaan, kuwa badan ayaa sheegay in weli shirkadaha ay ka shaqeeyaan ay ku dhegenyihiin habkii hore ee laga guuray.


Andrea Philippou oo ah cilmi baare dhanka tiknoolajiyadda ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dareenka dadka la tixgaliyo halkii la dhamaystiri lahaa muuqaalka dhalanteedka ah ee shirkadaha "Ma oronayo waa in aan aqbalnaa in qofka uu xafiiska iska iman karo isaga oo xiran dharkii jiifka, oo aanan soo qubeysanin, balse dadka waa in dadka waxa ay doonaaan samayn karaan" ayay tiri.


Leanne Lawrence, oo ka tirsan shirkadda Lodders Solicitors ayaa sheegtay in shirkadeeda ay biloowday in maalinta jimcaha uu qofka soo xirto waxa uu doono, sidoo kalena ay jiraan shirkado badan oo dhanka sharciga ah oo sidaas sameeyay.

 

BBC

 

Loading...
Loading...