Xisbiyada UCID & KULMIYE Oo Kawada Hadlay Xaalada Somaliland Kujirto

0
Sunday February 18, 2024 - 16:17:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada UCID & KULMIYE Oo Kawada Hadlay Xaalada Somaliland Kujirto

    "Waakulankii labaad ee Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ay wada yeeshaan "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waakulankii labaad ee Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ay wada yeeshaan "

.

Hargeysa (HWN)- Labada Xisbi Qaran ee KULMIYE iyo UCID, ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.



Guddoomiyeyaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID – Md. Maxamed Kaahin Axmed, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay wehelinayeen xubnaha hoggaannada iyo masuuliyiinta u sarsaraysa labada xisbi, ayaa kulankooda oo ahaa mid qado ah kaga wadahadlay xaaladaha dalka iyo u-diyaargarowga doorashooyinka soo socda ee dalka, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay Xisbiga Kulmiye.


Waakulankii labaad ee Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ay wada yeeshaan todobaadyo gudahood.


Dadka udhuun daloola siyaasada Somaliland ayaa ku doodaya in Muuse Biixi iyo Xisbigiisii fara madhnaan ka taaganyihiin shacabkii Somaliland oo haatan dantu ku khasabtay in Xisbiga UCID oon golaha Baarlamaanka ku lahayn wax xildhibaana ah, wakhti doorashada hela cododka ugu yar uu la heshiiyo.
Loading...
Loading...