WAR DEG DEG AH: Maxamed Ilig Oo Lasiidaayay Markii Dambi Lagu Waayay.

0
Sunday February 18, 2024 - 14:07:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEG DEG AH: Maxamed Ilig Oo Lasiidaayay Markii Dambi Lagu Waayay.

    "Gudoomiyaha MM-TV ayaa la kulmay tacaddi iyo Awood sheegasho "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Gudoomiyaha MM-TV ayaa la kulmay tacaddi iyo Awood sheegasho "


Waxaa hadda xorriyaddiisa dib u helay oo jeelka laga siidaayay, Guddoomiyaha MM-TV, Maxamed Cabdi Ilig oo 43 Maalmood xidhnaa, kadib markii lagu waayay wax dambi ah.



Saraakiisha Dambi-baadhista Booliska Somaliland oo sameeyay baadhitaan muddo badan socday ayaa ka gun-gaadhay Kiiska Wariye Maxamed Cabdi Ilig kuna gabogabeeyay in aanuu wax dambi ah ka galin dalka iyo dadka.


Baadhista C.I.D-da ayaa muujisay in aanay Sal iyo Raad lahayn eedaymihii  uu agaasimaha Sirdoonku soo oogay  sidaas darteed baadhista ay sameeyeen Waaxda C.I.D-da ee Booliska Somaliland oo eegtay dhammaan qaanuunka Dalka waxay caddayn dambi ku wayday Guddoomiyaha MM-TV Maxamed Cabdi sheekh,  sidaasi darteedna Maxkamadda iyo xeer ilaalinta Gobolka Maroodijeex waxay go’aamiyeen in Maxamed Ilig Xorriyaddiisa loo celiyo maadaama lagu waayay wax dambi ah.

Gudoomiyaha MM-TV ayaa la kulmay  tacaddi iyo Awood sheegasho  hawl-wadeenada Hay’adda Sirdoonku  Burburiyeen hantidii dhaawacna ugu gaysteen Wariye Maxamed Cabdi Ilig.


MM-TV.
Loading...
Loading...