Golaha Wakiilaa Xeer Lagu Soo Doortaa Ma Miro,Guurtidana Lamaba Lamaba Hadal

0
Sunday February 18, 2024 - 10:51:11 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilaa Xeer Lagu Soo Doortaa Ma Miro,Guurtidana Lamaba Lamaba Hadal

    U malayn maayo in rejo umadeed dadka waxgaradka..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

U malayn maayo in rejo umadeed dadka waxgaradka..


Dal iyo dad hadaad rabto in aad ogaato mustaqbalkooga waxa aad eegtaa uun laba qodob ;


 

1- Nidaamka siyaasadeed ma yahay mid xasiloon oo aan madmadaw sharci ( Ambiguity of law ) aan lahayn , waa gol daloolooyin sahlaya in looga faaiideysto si aan sax aheyn.



 

2- Nidaamka waxbarasho iyo barbaarineed ee umadaasi dhigatay ma yahay mid hayn kara jiritaanka umadnimo ee mustaqbalka dambe.


 

Aan ku horeeyo e nidaamka siyaasadeed ee dalka laguma guuleysan in uu noqdo mid xasiloon oo sigib tiran , sidaasi daraadeed waxa uu abuurey in la majaro habaabiyo oo hadba inta joogta sidii ay ugu badineyso yeelaan.


 

Golaha wakiilada ee hadda joogaa xeer lagu doorto marka mudadoodu dhamaato malaha, xeerkii ay ku soo baxeen 2021 iyo kii 2005 lagu doortayba xal iyo is-afgarad ayuu ahaa , ilaa hadda na uma diyaar aha xeerkii lagu dooran lahaa oo sugi lahaa in cod iyo cadaalad lagu fadhiisto kuraasida golaha.


 

Sida uu dhigayo qodobka 40naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxa uu sheegayaa tirada golaha wakiilada oo ah 82 mudane , waxaa kale oo uu sheegayaa in lagu soo dooranayo cod toos ah oo qarsoodi ah , laakiin heshiis laguma aha 82 kursi sidee loo qaybsanayaa oo hadal baa ka taagan, sida hadda lagu joogaana cadaalad maaha e waa xal.


 

Golaha Guurtida xeer lagu doorto iska daaye xataa in la doorto lama hadal hayo waxaanay fadhiyaan laga soo bilaabo 1997 ilaa 2024 , mudo xileedkooga dastuuriga ahi waa 6 sano, qodobka 58naad ee dastuurka faqradiisa 1aad ayaa sheegaya in uu xeer jideyn doono doorashadooda , halka faqrada 2aad ee qododbku sheegtay muda xileedka.


 

Nidaamka siyaasadeed ee dalka oo uu tilmaamay qodobka 9aad ee dastuurka iyo qodobada 22naad iyo 23naad ee sheegaya xuquuqda siyaasadeed ilaa hadda marna lagama eegin dan dad iyo dal ee hadba sidii cida ugu dhawaqa dheeri doonayso ayaa lagu sargooyaa.


 

U malayn maayo in rejo umadeed dadka waxgaradka ahi qabaan in ay soo muuqato laakiin hogaan xumo hadda joogta mid ka sii liidata ku badel waa ii muuqataa oo wadada lagu socdo iyo sida wax loo wada ayaa iiga markhaati ah.


 

Aan soo ururiyo hadalka, danta dalka iyo dadku yaanay ku dhex lumin loolan siyaasadeed iyo dano aan dhaafsanayn mansab iyo dhaqaale doon , dadka Somaliland ee tacabka iyo dhibaatooyinka badan u soo adkaystay yaan la niyad jabinin .

 

Allahum ma balaqtum

 

La soco.....Q2aad

 

Mohamed Abdi Jama Dhimbiil

Mohamed Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...