Xuutiyiinta Oo Sheegay in Ay Markab Shidaal Ku Weerareen Badda Cas

0
Sunday February 18, 2024 - 09:27:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuutiyiinta Oo Sheegay in Ay Markab Shidaal Ku Weerareen Badda Cas

    "qaadeen weerar ay Badda Cas kula beegsadeen markabka British ah "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"qaadeen weerar ay Badda Cas kula beegsadeen markabka British ah "



Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa Sabtida maanta ah sheegatay weerar maalin ka hor Badda Cas loogu gaystay markab siday shidaal, kaasi oo noqonaya weerarkii u danbeeyey ee weerraro xiriir ah oo ay kooxdu ka gaysanaysay Badda Cas kuwaasi oo keenay in ay ka jawaabaan ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska.



Weerarrada Xuutiyiinta ayaa qalqal-geliyay ganacsiga dunida ee ka gudba marin-biyoodkan muhiimka ah.


Afhayeenka Xuutiyiinta Yaxya Saree ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ciidamada badda ee Xuutiyiintu ay "qaadeen weerar ay Badda Cas kula beegsadeen markabka British ah ee Pollux ee shidaalka xanbaara.”


Ma uusan sheegin sida ay kooxdu ku go'aamisay xiriirka ka dhaxeeya Britain iyo markabka, kaasi oo xogta shirkad aruurisa xogaha maraakiibta oo ka howlgasha Giriigga ay sheegeyso in ay maamusho shirkadda Sea Trade Marine S.A., ee magaalada Athens.


Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay in gantaal laga soo ganay Yemen "uu ku dhacay qeyb ka mid ah MT Pollux oo ku sii jeeday Hindiya, sitayna calanka Panama, kaasi oo siday saliid ceyriin ah.”


Weerarkan ayaa kusoo beegmay isla-maalintii uu dhaqan gal noqday go’aan uu Mareykanku mar kale ugu aqqoonsaday kooxda Xuutiyiinta in ay yihiin "argagixiso.”


Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in markabku uu awooday in uu sii watto safarkiisa.


VOA
Loading...
Loading...