Faaliyihii isu faalin garan waayay . Cali Biixi

0
Saturday February 17, 2024 - 16:03:13 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faaliyihii isu faalin garan waayay . Cali Biixi

    hadaba muxuu faalkaagu adiga wax kuugu sheegi waayey ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

hadaba muxuu faalkaagu adiga wax kuugu sheegi waayey ?



Waxa jirey nin faaliye ah oo dadka u faalin jirey ,
ugana warama waxa ay la kulmi doonaan mustaqbalka iyo aayahooda danbe ,
lacag badana ayuu kaga qaadi jirey beenta uu u sheegaayo ,
Isaga oo ka faa iidaysanaaya jaahilnimadooda iyo garaad yaraantooda awgeed .



Maalin maalmaha ka mid ah ,
ayaa Juxa u yimi ninkii, waxa uu ku yidhi :gurigaagii waa la jabsadey ,waanu albaab la yahey , wixii yaalayna waa la gurtay ,
oo shay lagagama tegin .


Faaliyihii intuu si degdeg ah isu taagey oo aad iyo aadna u cadhoodey oo samada ka qayliyey ayuu xaggii gurigiisii u dhaqaaqey , siduu u soo eego waxa gurigiisii ku dhacay .


Nin baa meel halkaas ah kala socdey faaliyaha , arimahan loo sheegaayona ka maqlaayrey , kalana socdey .


Markaasaa waxa uu faaliyihii ku yidhi : waxaad ka warantaa , waxa dadka ku dhici doona iyo waxa ay la kulmi doonaan ,

laakiin adiga waxa kugu dhici doona iyo waxaad la kulmi doontid midna kama warheysid ,
waanad ogaan weydey waxa kugu dhacay.


hadaba muxuu faalkaagu adiga wax kuugu sheegi waayey ?


Hadaba waxa jira dad (koox) ka waranta waxa ay ku sameyn doonaan cidda kale ,
laakiin kama war hayaan mana ka war qabaan waxa iyagu la kulmi doonaan .

wax ma fahantay ?
Maxaad fahantay ?
 

Cali Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...