Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Iyo Amar Deg Deg Ah Oo Uu Bixiyey.

0
Monday July 08, 2019 - 20:42:53 in News by
  • Visits: 14866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Iyo Amar Deg Deg Ah Oo Uu Bixiyey.

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Iyo Amar Deg Deg Ah Oo Uu Bixiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Iyo Amar Deg Deg Ah Oo Uu Bixiyey.


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan la qaatay taliyaha qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee somaliland.


Warar ay Hadhwanaagnews ka heshay kulankaasi ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu taliyeyaasha ciidamada kala hadlay colaada ka soo cusboonaatay deegaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Image may contain: 1 person, sitting


Sidoo kale wararka ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu amray taliyaha ciidamada qaranka in goobaha ay ka dhaceen dagaaladii ugu dambeeyey ee beelaha wada dega Ceel Afweyn si deg deg ah loo gaadhsiiyo guutooyin ka tirsan ciidamada si ay u sugaan amaanka deegaanka isla markaana u kala dhex galaan labada beelood ee dagaalamaya.


Wararka la xidhiidha kulankan ayaa sheegaya in madaxweynaha somaliland oo si aad ah uga xun dhibaatada dagaalada ah ee ka dhextaagan labada beelood ee wada Ceel Afweyn uu si culus u amray ciidamada in amaanka gacan adag lagu qabto isla markaana laga hortago in mar kale ay gacan isla gaadhaan labadaas beelood, waxaanu faray taliyeyaasha ciidamada inaanay nabada cidna uga habran isla markaana ay kala badbaadiyaan dadka wada dhashay ee qoriga isku qaatay.


Dhinaca kale wararka ayaa xaqiijiyey in talisyada ciidamada qaranka somaliland ee ugu dhaw goobaha degmada Ceel Afweyn ee ay ku dagaalamayaan labada beelood laga qaadayo guutooyin ciidamo ah kuwaas oo si deg deg ah gacanta ugu qabanaya amaanka guud ee Ceel Afweyn iyo goobaha lagu dagaalamay.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...