Guruja Dhameeyo Goboda Ugu Dhiijaye,Golaheeni Kale Maye,

0
Saturday February 17, 2024 - 10:21:24 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guruja Dhameeyo Goboda Ugu Dhiijaye,Golaheeni Kale Maye,

    Golayaasha Qarankeey,Fartu Qaar Ku Godantow,..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golayaasha Qarankeey,Fartu Qaar Ku Godantow,..



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


1-Gaban Maayo Geesiye,Arrin Muu Ku Gees Marin,

Gari Allay Taqaanaye,Gool Dhalisay Gobanimo,



 

2-Garashaad Ku Hadasho,Gudatay Waajibkaagi,

Gaagaabsi Wuu Hadhay,Cadaw Meel U Soo Galo.


 

3-Geesna Looma Baydhee,Godkooda Loogu Gelaya,

Gurigaaga Maaganaha,Gaabso Aad Ka Weydaan.


 

4-Gebgebloow Dagaalkii,Way Galeen Asaagaagii,

Weli Kuwan Gabanayow,Soo Raac Guruujahan.


 

5-Golayaasha Qarankeey,Fartu Qaar Ku Godantow,

Gurmadkii Wuu Dhaqaaqe,Gaadhoyan Lagaa Tegin.


Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...