Somaliland oo Somaliya Ku Eedeysay Khalkhalgelinta Hawada.

0
Friday February 16, 2024 - 08:40:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Somaliya Ku Eedeysay Khalkhalgelinta Hawada.

    "Tan ayaa imaanaysa iyada oo shalay ay Dowladda Soomaaliya sheegtay in diyaarad "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tan ayaa imaanaysa iyada oo shalay ay Dowladda Soomaaliya sheegtay in diyaarad "




Agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland, Cali Maxamed Bile ayaa bartiisa X (Twitter) soo dhigay qoraal uu ku eedaynayo dawladda fedaraalka ee Soomaaliya oo uuleeyahay waxay qaadday tillaabo "masuuliyad darro ah” oo ku aaddan hawada Soomaaliya.



"Dawladda Soomaaliya waxay halis galinaysa nolosha kumanaan ku duula hawada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo si masuuliyad darro ah ugu dhawaaqayso isu-socodka hawada. Tallaabo degdeg ah oo ka timaadda ICAO waa lagama maarmaan si looga hortago masiibooyinka hawada ee ka dhalan kara jaahwareerka” ayu uku yiri qoraalka.


Waxa uu leeyahay waa in Ha’adda Caalamiga ah ee Duulimaadyada Rayidka (ICAO) ay tillaabo degdeg ah ka qaaddo.


Tan ayaa imaanaysa iyada oo shalay ay Dowladda Soomaaliya sheegtay in diyaarad ku socdaalaysa hawada Soomaaliya xog qaldan laga siiyey Hargaysa taas oo ku keentay jahwareer kooban ka hor inta aan lagala hadlin muqdisho.


Somaliland ayaa ka cadhootay ka dib markii ay Muqdisho hawada ka celisay diyaarado ku wajahnaa Hargaysa.

Loading...
Loading...