Soomaalilnd Oo Dacwad Ku Saabsan Hawada Udirtay QM

0
Thursday February 15, 2024 - 15:31:39 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalilnd Oo Dacwad Ku Saabsan Hawada Udirtay QM

    Waxa aanu gebi ahaan ba xaqiijinaynaa in aanay waxba ka..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aanu gebi ahaan ba xaqiijinaynaa in aanay waxba ka..



Waxa aan qoraalkan kuugu soo dirayaa, anigoo ka wakiil ah Somaliland, si aan kuugu muujiyo ka go’naanshahayaga la xidhiidha u hogaansanka habraacyada iyo shuruucda ku xusan Heshiiska Shirweynihii Chicago ee Duulista Rayidka ee Caalamiga ah. Xubno ahaan iyadoo mas’uuliyad naga saran tahay duulimaadyada caalamiga ah sida bulshada caalamka ee kale, waxa muhiim ah in wadajir ah looga shaqeeyo hubinta iyo hirgelinta habraacyada dejisan si loo xaqiijiyo bedqabka, habsami-u-socodka shaqada, iyo amniga socdaalka hawada.



 

Arrimaha dhowaanahan ay ka dhawaajisay Hay'adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ee la xidhiidha in Somaliland carqaladayn sharci darro ah ay ku samaysay waxa ay u muuqdaan kuwo dhibaato abuuraya, una baahan in la caddeeyo. Waxa wax laga qoomameeyo ah in la baahiyo warar been ah oo tan oo kale ah, taasi oo aan keliya dhaawacaynin wadashaqaynta looga baahan yahay hawlaha duulimaadyada, balse sidoo kale khatar ku ah bedqabka iyo amniga socdaalka hawada ee gobolka.


 

Waxa aanu gebi ahaan ba xaqiijinaynaa in aanay waxba ka jirin wararka eeddaymaha ah anagoo jecel in aanu idin ku la wadaagno halkan xaqiiqda.


 

Somaliland waxa ay u hogaansan tahay shuruucda caalamiga ah ee duulimaadyada hawada, oo ay ka mid yihiin kuwa heshiiska Shirweynihii Chicago. Sidaasi oo ay tahay, waxa lagama maarmaan ah in gacan ku haynta dhulkayaga, oo ay ka mid tahay cirku, uu mas'uuliyadeedu saaran tahay annaga sharciyaddeedana aanu leenahay .


 

Sheegashada Muqdisho ee maamulka hawada Somaliland keliya ma aha mid aan xaqiiq ku dhisnayn balse sidoo kale waxa uu khatar gelinayaa socdaalka hawada. Sida ku cad heshiiskii shirweynaga Chicago, dal kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu maamulo hawada ka saraysa dhulkiisa, sidaasi darteed, isku day kasta oo maamul shisheeye uu ku rabo in uu gacan ku hayn ku yeesho hawadayada iyada oo aan naga la tashanin keliya ma noqonayo ku xadgudbid shuruucda caalamiga ah balse sidoo kale waxa uu khatar weyn ku yahay bedqabka socdaalka hawada ee gobolka.


 

Waxa aanu ugu baaqaynaa bulshada caalamka iyo hay'adda ICAO in ay diiddaan beenaha iyo sheegashooyinka been abuurka ku dhisan, iyo in ay dabaqaan habraacyada caalamiga ah ee heshiiska shirweynihii Chicago, taasi oo faahfaahinaysa muhiimadda in la ixtiraamo sharciyadda cid waliba oo qayb ka ahayd heshiiskani ay u leedahay maamulka hawadeeda. Waxa waajib ah in dhamaan dhinacyada ay khusayso maamulka hawada ee gobolku in ay u hogaansanaadaan habraacyada iyo shuruucda dejisan sidoo kalena ay wadahadal ka yeeshaan xaqiijinta bedqabka iyo amniga socdaalka hawada.


 

Gebagabadii, ii ogolow in aan mar kale idiin xaqiijiyo ka go'naanshaha Somaliland ee u hogaansanka habraacyada iyo shuruucda hawada ee heshiiska Chicago, iyo la shaqaynta dhamaan dhinacyada oo dhan si loo xaqiijiyo yoolasha inaga dhexeeya. Waxa aanu diyaar u nahay la shaqaynta bukshada caalamka iyo hay'adda ICAO si loo xaqiijiyo bedqabka iyo amniga hawada caalamiga ah

Loading...
Loading...