Musuq-maasuqu ma dhaqankeenii ayuu ka mid noqday ? Cali Biixi

0
Thursday February 15, 2024 - 13:02:46 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musuq-maasuqu ma dhaqankeenii ayuu ka mid noqday ? Cali Biixi

    Adiga ayay kuu taalaa ,Ee is xukun???

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adiga ayay kuu taalaa ,Ee is xukun???


 

 

 

Ururka la gaalanka musuqmaasuqa aduunka ayaa soo saaray warbixin tiisii sanadkii ina soo dhaafey 2023 kii .

waxa kaalinta koobaad qaatey dalka Somaliya koonfureed oo noqday dalka aduunka ugu musuqmaasuqa badan .


193 dawladood oo UN-ta ku jira ayuu number wanka qaatay .

 

Kaalinta labaad waxa galey dalka Ciraaq oo noqday dalka ugu laaluushka badan .

 

Dalalka ugu musuqmaasuqa yarna , waxaa ka mid ahaa Shiinaha , S.Korea iyo dalalka finaland- sweden -norway .



 

Dalka Somaliland waa ka waayay liiska , oo waxan u malaynayaa inay laaluusheen ururkii qoraalkan soo saaray oo ay ku yidhaahdeen anagu ICTIRAAF dawliya ma haysannee ha nagu darin .


 

Waxa cad in dalalka aanu musuqmaasuqu iyo laaluushku ay ku yar yihiin

dalalka horumarka dhaqaale ka jiro . halka kuwa laaluushku iyo musuqmaasuqu ku badan yahay uu horumarku iyo dhaqaale xumadu ay ku habsatay .


 

Hadaba musuqmaasuqu iyo laaluushku ma iyagaa dibudhaca iyo faqriga keena ?

mise dibudhaca iyo fakhrigaa musuqmaasuqa keena ?


 

Jawaabtu way noo wada caddahay : oo haddaynu dib u jaleecno somaliyada koonfureed iyo Somaliy iyo Somaliland , waxa ka jiray weligeedba musuqmaasuq – laaluush – akhlaaq xumo fara badan oo ay weliba ku soo barbaareen ,oo gumaystihii talyaaniga iyo ingiriisku ay ka dhaxleen .


 

Sidaa awgeed musuqmaasuqu – laaluushku- dhacu – boobku iyo tuugadu ba iyo lunsiga hantida qaranka , waxay u noqotay dhaqan , waanay sharciyaysteen .


Waxaanay noqdeen dhaqan lawada ogol yahay , oo raalli laga wada yahay .

 

sida baayac mushtariga oo kale – ganacsiga – beeraha .


 

Bal waxaad iswaydiisaa imisaa qof mas'uul ah oo aad garanayso lagu helay denbi uu galay , (musuqmaasuq ama tuugo hanti qaran ama laaluush lagu qabtay ) oo shaqadiisii lagaga eryay , oo weliba la xukumay , kabacdina laxidhay , Halkii ay ahayd in lagooyo oo lakarantiimeeyo ayaa waxa dhici jirtay , in la arki jiray dad badan oo u xaglinaaya in lasoo daayo , oo weliba meeshii uu denbiga ka galay lagu celiyo amaba la dalacsiiyoba .


 

Imisaynu aragnay arimahaas oo kale oo dhacay , bulsho badanina arintaa ceeb ba umay arki jirin ,

la manay yaabi jirin


IMINKANA ARIMAHAAS IYO QAAR KALE OO KA DARAN AYAA SOMALILAND KA DHACA . DHAQAN XUMADAAS OO AYNU SOO XANBAARANAY .


 

Waxaad arkaysaa wiil gabadh soo doonay oo la odhanaayo mushahaaradiisu waa £200 oo dollar , laakiin waxa soo gala £2000 oo dollar , oo waa wiil xariifa ah.


 

Waxaynu si toos ah u qiranaynaa oo u aqbalnay oo u sharciyaysanay ,in uu musuqmaasuqu iyo laaluushku dhaqankeena ka mid noqday .


 

Waxaynu iminka caadaysanay oo aan lala yaabin qofka ku kaca musuqmaasuqa iyo laaluushka , waana arin nasiib darro ah inaynu xaaraantii xalaalay sano .


Waa ayaan darro , ee aynu dib isu xisaabinno intaan layna xisaabin , oo aynu xaaraanta layaabno iyo ciddii ku kacdaba oo aynu karantiimayno ciddii lagu helo ama lagu maqloba akhlaad xumadaa , oo aynu iska dhexsaarno ciddii dhaqankaa lagu arko ama lagu qabto .


Oo aynu meel uga soo wada jeesanno ciddii dhaqan xumadaa la timaada .


 

Hadii kale faqrigaas iyo maamul xumadaas iyo wax qabad la'aantaas iyo silicaas ayuu dadkeenu iyo dalkeenu ku jirayaan weligood .


 

Adiga ayay kuu taalaa ,

Ee is xukun???

 

 

CaliBiixi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...