Buuniyow ileen Af nooli wuu hadlaa!.

0
Thursday February 15, 2024 - 10:24:05 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buuniyow ileen Af nooli wuu hadlaa!.

    Hadal iyo dhamaan Deegaamada Beesha Dhexe waxaynu..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadal iyo dhamaan Deegaamada Beesha Dhexe waxaynu..


Waxa dhawaan soo saaray bayaan Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka iyo Guurtida ee kasoo jeeda Gobolada Awdal iyo Sillil, Xildhibaanadaa oo bayaan ay akhriyeen ku sheegey mawqifka ay qabaan Dadka soo doortay ee ay Golayaasha ku madalaan, sida lala wada socday Gobollada Awdal iyo Sillil waxa ka dhacay Dabad bax aan weligood lagu arag deegaamadaa, kuwaas oo gilgilay carada Dhulka, Dadka xadiga leh ee Iskusoo baxay awgood, kuwaas oo Iskusoo baxa ku muujinaayey shucuurtooda iyo rayiga ay ka qabaan Damaca Xabashida, ee ku aadan, deegaankooda iyo Bada Eebe ku manaystay deegaanka uu kumanaanka sano Eebe Hoyga uga dhigay ee uu ku dhaqay.



 

Hadaba Markii xildhibaanadii Bulshada deegaamada Awdal iyo Sillil ku matalaayey ay caddeeyeen, rayigoodaay qabaan taas oo ay warbaahinta ka hor akhriyeen mawqifka ay qabaan shacabka soo doortay ee Golayaasha ay u Fadhiyaan.


 

Waxaana judhiiba odhaah salbabakh, afariir iyo sagaal Kun codlayn ah, lasoo oogsaday Wasiir Cabdinaasir Buuni, isaga oo Hadalo meel u day lahayn is daba dhigay, isaga oo ku andacoonaaya in uu isagu ka masuul yahay muwaadiniinta Jamhuuriyada Barakaysan ee Gobolada Awdal iyo Sillil, markaa Xildhibaanadan shacabka Reer Awdal iyo Sillil soo Doorteen aanay cidna matalin se isagu matalo!, Waar tan oo kale yaa arkay?!.


 

Aduunka dawladaha ka jira sheeko iyo shaahid ayaa arkay ama Maqlay Xildhibaano shacabkii soo doortay iyo deegaankii laga soo doortay la leeyahay ma matashaan umana hadli kartaan shacabkii idinsoo doortay tabashadooda iyo duruufaha deegaankooda!, waxa taas oo kale ah iyana Jamhuuriyadan Barakaysani waa Dal maamulka dawladnimo uu yahay habka Xisbiyada badan, Xisbiyadaa oo ay kala taageeraan muwaadiniinta dalku, Bal markaa Buuni marka uu leeyahay Xisbiga goortan 2024ka ugu weyn ama ugu taageerayaasha badan ee XISBIGA WADANI, Dalka Soomaaliya ayaa leh oo maaha Xisbi ka mid ah Jamhuuriyada Barakaysan?, ileen Af aan kugu ool ma aamusiisid, Bal wadamada Xisbiyada badan ee aduunka, soo sheega Dal Xisbi qaran oo ah Xisbi ka mid ah xisbiyadii Dalka ka jiray ee shacabku taageersanaayeen ama u codeeyeen ee saaxada siyaasada codkoodii ku yimi ee Xisbi kale uu cadow iyo shisheeye ku sheego?!, Waxa ay meel ka dhac ku tahay shacabka Jamhuuriyada barakaysan ee Dunta xariirta ah ee taageera Xisbiyada qaranka ee siman ee Ruuxba rayi Xisbi ku raaco, ee uu la safto, ee ogow Xisbi qaran hadii aad ku eedayso cadow shisheeye ah waa taageerayaasha shacabka ah kuwaad ku gafayso ee aad ku sheegayso cadawga laajiga ah, waana gaf qayaxan oo shacabka si badheedh ula kac ah deelqaaf iyo meel kaga dhac loogu gaysanaayo, Aduunka Dawlad aflagaado loo gaysto oo mudakarnimo muujisa ayaa la arkaa se ta dalkeena waa mijo Saar Madax Saar loo rogay.


 

Hadal iyo dhamaan Deegaamada Beesha Dhexe waxaynu ogayn inta goob banaan ee Waxna ka bixin khayraadna ku jirin ee laysku qabsaday, iyo anakaa leh ee hanaga daaqina ama hanaga degina ee lagu dhintay!, Runta in laysku sheego weeye, Bal Markay beeshii dhexe iyagu dhulkii lawada daaqaayey iyo deegaamadii kala yeesheen iyaga oo Qoys ah, sidee ayey u suurtoobaysaa in ay Reer kale Deegaankooda Askar Xabashi ah inay dejiyaan Garri Allay taqaanaaye?, Jamhuuriyada Barakaysani Nabad iyo Dimuqraadiyad ayey dunida ka iibisaa oo ay ku soo caano maashay, se Hadii sidan Xukuumadii u hadasho dalkiina la damco sidii bogcad nin gaar u leeyahay in loo maareeyo oo Cidna talo iyo war laga weydiin oo waan iibiyey uu nin wakhtigii la doortay dhamaaday yidhaahdo, oo rag uu igmaday oo kalsooni bulshada kahaysana tayda jujuub ku marsiiya uu yidhaahdo waa iska sidaas Buuni iyo ileen Af nooli wuu hadlaa!.


 

Dalka intayda anigaa leh

 

Dalka intaadana kula lihi!.

 

Khadar Hooyoley Fartaag

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...