Wasiirka Ciyaaraha oo Sheegay in Qorshahooda u Weyni uu yahay Horumarinta Dhallinyarada

0
Thursday February 15, 2024 - 10:07:36 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Ciyaaraha oo Sheegay in Qorshahooda u Weyni uu yahay Horumarinta Dhallinyarada

    Geesta kale wasiirku waxa uu sheegay in yoolkooda yahay..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geesta kale wasiirku waxa uu sheegay in yoolkooda yahay..



Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Mudane Cabdirisaaq Muuse Faarax ayaa sheegay in qorshahooda u weyni uu yahay horumarinta dhallinyarada, isla markaana ujeedadoodu tahay in la helo dhallinyaro horumarsan, oo dunida la jaanqaada.


 

Sidoo kale waxa uu tilmaamay ay doonayaan in dhallinyaradu aanay ku mashquulin caqabadaha jira, balse iyaga dhexdooda in la isku mashquuliyo.



 

Geesta kale wasiirku waxa uu sheegay in yoolkooda yahay in maamul daadejin sameeyaan, ilaa heerarka ciyaareed ee kala duwan la gaadhsiiyo heer Caalami


 

Waxaanu yidhi."Wasaaraddu qorshe balaadhan ayay ka leedahay Qaranka iyo horumarinta dhallinyarada, waxay ciyaaruhu ka yihiin qaybta koboca jidhka iyo isdhexgalka bulshada, waxaanu ku adeegna nidaamka iyo sharciga dalka u yaala, ujeedadayaduna waxa ay tahay in la helo dhalinyaro horumarsan, oo dunida la jaanqaada.


 

Caqabadaha xagga dhaqanka ahi aanay noqon kuwa ay ku mashquulaan, balse aanu ka mashquulino.


 

Qorshahayagu waxa uu yahay in maamul daadejin aanu sameyno, in ciyaaraha aanu ka soo bilowno heer iskuul, heer tuulo, heer degmo, heer gobol iyo heer Qaran iyo heer Caalami,”

Loading...
Loading...