Shir-Gudoonka Labada Gole Iyo Muuse Biixi Maxaa Dhex Maray Shalay?

0
Wednesday February 14, 2024 - 11:36:05 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir-Gudoonka Labada Gole Iyo Muuse Biixi Maxaa Dhex Maray Shalay?

    Ileen Muuse Biixi Cabdi ayaa la horfadhiyaa oo jahwareerku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ileen Muuse Biixi Cabdi ayaa la horfadhiyaa oo jahwareerku


Nin Xildhibaan ah, oo mid ka mid ah shir-gudoonka goobta joogay uu uga waramay shirka ayaan xogtan innooga soo minguuriyey.


Shalay waxa kulmay shir-gudoonka labada Gole, Guurtida iyo Wakiilada oo dhinac ah iyo Muuse Biixi Cabdi oo dhanka kale ah. Nuxurka kulanku waxa uu ahaa Muuse Biixi, oo sidii dhaqankiisu ahaa, iska baadhaya xirfad siyaasadeed. Xirfad yaanan odhane, waalli siyaasadeed oo la nooc ah uun waalliyihii uu dad iyo dalba ku soo halligay. Waxa uu isku dayaayey inuu waallidaa ku qanciyo, qanciyo yaanan odhanine uu ku amro, sidii uu hore ugu amri jireyba, shir-gudoonka labada Gole. Waaqica odayaasha meesha fadhiyeyse wuu ka duwanaa kan isaga u xisaabsan, oo dabcan ah Cabdow khalad-xisaabkii agtiisa caadiga ka ahaa.



Judhiiba waxa uu soo qaddimay dood jahwareer ah, oo dabcan u suurad iyo muuq eeg isla dhaqankiisa jahwareerka ka samaysan. Ku ye: "Kooto waa in loogu xidhaa xisbi soo baxa Axmed Ismaaciil Samatar"! Odayaashii wey wareereen! "Oo xisbi kooto qof loogu xidhayo, oo aan tartan galaynini halkee ayuu dastuur iyo xeer kaga qoran yahay" ayay si quusi ka muuqato u weydiiyeen. Dabcan, uurkooduna kollayba waxa uu lahaa "Ilaahayow musiibo qoorta ha noo galin"! Sidii dhaqankiisuba ahaa, si aad u garaad hooseysa ayuu damcay inuu ugu dambabaso su'aal macnedarro ah. Ku lahaa "Oo haddaa ma saddex Isaaq ah ayuun baa haddana xisbiyo la soo baxaya"?


Xil. Cali Xaamud Jibriil oo goobta fadhiyey, oo dabcan ay isku deegaan yihiin Ahmed I. Samatar, fahansanna riwaayad carruureedda uu caqligiisa ku caayayo, ayaa su'aal maangal ah u dhiibey si uu ugu mergado, oo ay askari jiifa, oo xagga caqliga ah ay ugu noqoto ileen si kale joojiye uma laha e. Wuxuu ku yidhi "Madaxweyne, Axmed Ismaaciil Samatar waa kii Kulmiye ka tirsanaa ee adiga ku dhisaye, maxaad fawdadaa kala doonaysaa? Haddii aad wax la doonayso maxaad Kulmiye uga sharixi weyday"? Kolkan jeebkiisii in la taabtay dareen. Wuu soo hinqaday. Waxa uu degdeg iskaga soo dhuftay "anigaa Kulmiye ka sharaxan"! Oo dabeedna?


Ileen Muuse Biixi Cabdi ayaa la horfadhiyaa oo jahwareerku waa lama huraane, kolkii albaabkaa laga xidhay ayuu haddana isku qaaday jar kale. Waxa uu ka bilaabay "Dee haddaba ururadan gabigoodaba aynu ka takhalusno, oo saddexda Xisbi oo kaliyi doorashada Madaxtooyada ha galaan. Iyagana deegaanka iyo wax aan la raadsano"! Yaa Alle yaqaan! Odayaashii intay madaxa qabsadeen ayay yidhaahdeen "Oo heedhe dabeedna sidee ha la yeelo? Oo dalka ma fawdo kale ayaanu daf siinaa? Waxaasi suurtagal ma aha"! Waxani waa dhaqan Muuse!


Waxa qorey: Abdifatah A. Ileeye

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...