Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Magacaabay Todoba Masuul Oo Cusub Iyo Xilalka Uu U Dhiibay

0
Monday July 08, 2019 - 19:38:43 in News by
  • Visits: 2060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Magacaabay Todoba Masuul Oo Cusub Iyo Xilalka Uu U Dhiibay

    Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Magacaabay Todoba Masuul Oo Cusub Iyo Xilalka Uu U Dhiibay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Magacaabay Todoba Masuul Oo Cusub Iyo Xilalka Uu U Dhiibay


Garowe(HWN):-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 41 ee 8da Luulyo 2019, ku magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Related image


Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Horumarinta Hanaanka Maamul ee
Maaliyadda iyo Isla xisaabtanka

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland

2. Waxaa Maxamed Faarax Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland

3. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Maxjarka

4. Waxaa Faysal Cabdullaahi Warsame loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

5. Waxaa Cumar Saalax Aadan loo magaacabay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland

6. Waxaa Keenadiid Cali Jaamac loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda

7. Waxaa Abshir Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, Waana saxiixay.

 

Loading...
Loading...