Ku Simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Soomaaliya Oo Itoobiya Ku Sugan

0
Tuesday February 13, 2024 - 18:39:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ku Simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Soomaaliya Oo Itoobiya Ku Sugan

    "Waxaan imid Addis Ababa, halkaas oo aan ku shir goddoomin doono..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan imid Addis Ababa, halkaas oo aan ku shir goddoomin doono..."


 
Wasiiru dawlaha ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya halkaas oo sida uu sheegay uu kaga qab galayo laba kulan.



Qoraal uu wasiirku soo dhigay bartiisa X (twitter) ayaa sidan u qornaa: "Waxaan imid Addis Ababa, halkaas oo aan ku shir goddoomin doono guddiga muhiimka ah ee wasiirada ee musharaxiinta Afrika ee nidaamyada caalamiga ah. Intaa waxaa dheer, waxaan ka qeyb galayaa Shir Madaxeedka 44-aad ee Midowga Afrika oo aan ku matali doono Soomaaliya, anigoo u hamuun qaba in aan gacan ka geysto qaabeynta doorka Afrika ee caalamiga ah”.


Tan ayaa kusoo aadeysa iyada oo ay weli taagan tahay xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya eek u saabsan heshiiska is-afgarad ee dhawaan dhex maray Itoobiya iyo Somaliland.
Loading...
Loading...