Xisbiga Waddani Oo Ka Horyimid Aragti Muuse Biixi Ku Doonayo In Reer Awdal Kooto Loo Xidho.
"Reer Awdal kooto kaagama baahna , mana aamin sani ..."
Hargaysa (HWN) Afhayeenka xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi ayaa ka horyimid fikir Muuse Biixi wado, kaasi oo uu sheegay Muuse Biixi in uu doonayo in reer Awdal Kooto ugu xidhi Xisbi ay leeyihiin sidii uu uga soo bixi lahaa ururada siyaasada Somaliland.
"Reer Awdal kooto kaagama baahna , mana aamin sani inuu madaxweynuhu reer Awdal wax la doonayo , haduu wax la rabo xisbiga Kulmiye haka sharaxo Musharrax madaxweyne , ama wasiirka maaliyada iyo Gudoomiyaha maxkamada ha siiyo ee uu isagu isku hayo" Maxamed Faarax Cabdi Afhayeen ka xisbiga Waddani.
Muuse Biixi ayaa la sheegay in uu fikirkan la wadaagay shirgudoonka Baarlamaanka Somaliland, kuwaasi oo iyaguna ku gacan saydhay fikradan
Loading...
Loading...