Lacagtayda Ila Aasa . Cali Biixi

0
Tuesday February 13, 2024 - 11:43:38 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacagtayda Ila Aasa . Cali Biixi

    Waxay ugu jawaabtay : haayoo dee waan u ballan qaaday..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay ugu jawaabtay : haayoo dee waan u ballan qaaday..



Waxa jiri jiray Nin aad u dhabcaal ahaa (bakhayl ) aadna u lacag jeclaa , noloshiisii oo dhanaa wuxuu ku qaatay lacag ururin, berigii danbe ayuu gaboobay oo xanuunsaday , isaga oo sakaraad ah ayuu xaaskiisii la sii dardaarmay , wuxuu ku yidhi waxaan doonayaa inaan kula sii dardaarmo iina ballan qaadid inaad fuliso arinkan aan kuu sheegi doono , oo ah haddii aan dhinto waxaan doonayaa in aad lacagtayda oo dhan ila xabaasho , oo iilka laygula rido , si aan aakhiro ugu qaato .



 

Xaaskiisii way u ballan qaaday inay dardaarankiisa u fuliso . Laba casho kadib ayuu odaygii dhintay (geeriyooday) , Markii la kanfay ee la damcay in laqaado suga inta ay tidhi oo ay ag-fadhiisatay maydkii ayay kafantii meel ka dilaacisay , oo ay gelisay sanduuq yar , kadibna qaada ayay tidhi .


Saaxiibadeed ayaa waxay waydiisay : Naa ma dardaarankiisii baad fulinaysay , oo lacagtii oo dhan baad kafantiisa meel ka gelisay ?


Waxay ugu jawaabtay : haayoo dee waan u ballan qaaday , oo dardaarankiisii waa inaan u fuliyaa. Gabadhii oo aad u cadhootay baad ku tidhi : Naa shaw bahal nacas ah baad tahay , oo aan abddo (faa’iido) lahayn , anna waxaan ku moodaayay inaad intaa dhaanto .


 

Iyada oo aan cadhoon ayaa waxay ugu jawaabtay : waayo miyaanay xoolihiisii ahayn ?

Gabadhii oo aad u cadhaysan ayaa hadana waxay weydiisay :Naa ma kaa dhab-baa iminka ?


Waxay ugu jawaabtay : horta saaxiibay lacagtii oo dhan inta aan ururiyay , ayaan baankaygii ku shubay (account -kaygii) , ka dibna (check) jeeg ayaan u qoray saygaygii (ninkaygii)oo magaciisii ku qoray iyo tiradii lacagta , jeegiina (check) kafantiisii ayaan u geliyay .


 

sidaasna dardaarankiisii waan sameeyay , ballan qaadkaygiina waan u fuliyay , bal hadaba isagu jeegga aakhiro ha ka sarifto .


 

Hadaba waxa iswaydiin leh , xukuumadda kulmiye ee shaqadoodu noqotay lacag urursi iyo dhac hantida dalka iyo dadka , ee weliba tartanka ugu jira , sidii ay wax u boobi lahaayeen oo qudha .


 

Bal xaggee bay wax u urursanayaan , ma aakhiro ayay ganacsi kaga geli doonaan ? mise aakhiro ayay guryo kaga iibsanayaan ? mise waxay moodayaan in naarta jahanama lacag lagaga badbaado ? mise waxay moodayaan in janada lacag lagu iibsado ?


Hadaba ogow lacagta aad urursatay ee xaaraanta ah, aakhiro waxba kaaga tari mayso aan ahayd cadaabta oo lagu geliyo , ogowna aakhiro xisaab-baa taala .


Hadaba idinka oo aakhir-cimri taagan , maxaydun ilaahay la hortegi doontaan .

Ilaahayaw khaatumada ha na seejin . aaaamiin .


Ilaahayaw khaatumada khayr nooga dhig . aaaamiin

 

Cali Biixi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...