Dagaal Wuu Dhacaayo,Debnahaa Isqoonsada,Ragbaa Dunidan Taliyo Wax Waliba Dabeeb Yeelay.

0
Tuesday February 13, 2024 - 10:51:57 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Wuu Dhacaayo,Debnahaa Isqoonsada,Ragbaa Dunidan Taliyo Wax Waliba Dabeeb Yeelay.

    Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]




Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

1-Daamanka Iyo Carabka,Iyaguba Isduqeyo,

Debnahay Qaniin,Waana Deris Jidhkenana,



 

2-Damqashaday Wadagaan,Kala Dudinamayan,

Dal Dadkii Wadaage,Daayin Meel Wada Dhigay.


 

3-Dagaalada Dhexdodiyo,Dirir Waayi Maayaane,

Degdeg Loo Dhameeyo,Dulqaadba Muhiimada,


 

4-Dantu Nabada Weeyaan,Daacadnimana Lagu Daro,

Dadka Shalay Lagaa Dilay,Dib Miyaad U Soo Celin,


 

5-Dabeecado Gaboobayo,Duniduba Ka Guurtiyo,

Doqoniimo Guun Ahba,Soomaali Dabar Jarayay,


 

6-Duulkii Daraad Goay,Doonta Aaristoodiiyoo,

Qaar Kale Ha Lagu Daro,Dagaalyu Dhamanine.

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...