Farmajo Iyo Biixi Miyaa Mas'uul Ka Ah Kala Fogaanshaha Soomaaliya Iyo Somaliland?
iyo Jamhuuriyadda gooni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland.
Madaxdii ka horreysay madaxweyne Maxamad Cabdullahi Farmajo iyo maxaweyne Muuse Biixi Cabdi, si umbay u xiriiri jireen, in kastoo xiriirkaasi uu ahaa mid qarsoodi ah oo ka fogaa indhaha taageerayaasha labada dhinac.
Haatan waxaa labada dhinac hoggaamiyo laba madaxweyne oo dadka wax falanqeeya ay ku tilmaamayaan inay sii kala geynayaan isu soo dhawaanshaha Soomaaliya iyo Somaliland.
Dhibaato gudaha ka haysato
Cabdiraxman Xaddana oo ka faallooda arrimaha gobolka ayaa qabo in labada madaxweyne ay haysato caqabado gudaha ah oo halis ah:
"Siyaasadda labada dowladood lagu maamulayo, tan Somaliland iyo federaalka, ayay ku doonayaan in gudaha shacbiyad ku helaan. Doorkan waxaad moodeysay inay fursad u ahayd Somaliland inay cid is arkaan, in laga carqaladeeyo waxay fursad siinaysaa madaxweyne Muuse Biixi, iyo dowladdiisa oo beryahaan xurguf gudaha ah ay haysatay oo la xiriirta doorashada".
Cabdiraxman Xaddana ayaa sheegay in arrintan ay sare u qaadday shacbiyadda madaxweyne Muuse Biixi ee gudaha Somaliland:
"Shacbiyaddii iminka kor ayay u kacdoo waxay u muuqataa inay cadaw weyn leeyihiin, oo tii hoose waxayba noqotay arrin aad u yar," ayuu yiri Cabdiraxman Xaddana.
Falanqeeye Xaddana ayaa sheegay in labada madaxweyne gudahooda uu labaduba dhaawac yahay, oo ay doonayaan inay dadweynahooda ka jeediyaan dhibaatada gudaha ah, oo ay u sawiraan inuu soo wajahay cadaw dibedda ah:
"Farmaajo wuxuu doonayay inuu gudaha adkeeyo, shacbiyad badan uu ka helo Koonfur, oo dad badan aysan dooneyn inay Somaliland go'do, iyo arrinta muranka kala dhexeeyo Kenya ayuu diiradda saaray. Muse Biixi isagu fursad weyn ayuu ka helay arrintan," ayuu ku daray Xaddana.
Tubtii madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya
Maxamad Nuur Caalin oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa isagu qabo, in laga soo billaabo 1992-dii ilaa mar dhaw ay si un u xiriiri jireen madaxda Soomaaliya iyo Somaliland:
"Laga soo billaabo 1992-dii, madaxda labada dhinac way is fahansanaayeen, Somaliland madaxdeedu waxay ogaayeen in aqoosigooda uu ku xiran yahay Soomaaliya, iyadoo ay sidaas tahayna, dunida kolba meel ayay aqoonsi ka raadsan jireen," ayuu yiri Caalin.
Waxaa kale oo uu sheegay in dowladda haatan jirta ee madaxweyne Maxamad Cabdullahi Farmaajo ay ka leexatay tubtii dowladihii ka horreeyay ee ahayd in Somaliland si hoose loola qabto wixii lala qaban karay.
"Madaxweyne Farmajo afkiisa ayuu ka sheegay inuu mar dambe u dulqaadan doonin, oo Soomaaliya uu ka rabo dowlad federaal ah oo xoog badan. Inuu Madaxweyne Farmaajo tubtaasi ka leexday khudbadihiisa ayay ku caddahay, maalmihii xoriyadda Soomaaliya waxa uu ka sheegay ayay ku caddahay," Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Caalin.
Qadar iyo Imaaraadka;
Dadka wax falanqeeya qaarkood waxay qabaan in kala fogaanshahan ay sidoo kale qeyb ka yihiin dalalka Carbeed ee Khaliijka isku haya, kuwaas oo kaabaya madaxda labada dhinac.
Cabdiraxman Xaddana ayaa qabo in arrintan ay meel xun u horseedi karto Soomaalida:
"Meelo ka waaweyn ayay isku haystaan labadan dal, anigu waxaan is leeyahay dagaalkii ay labadooda ku galeen Libya, Sudan iyo Masar, weli kuma aysan gelin Soomaaliya, oo wax weyn is kaga tari mayaan Soomaaliya, waxaa muhiim ah in loo diyaar garooba, oo Soomaalida ka diyaargaroobaan in khilaafkan oo mar kasta sii xoogeysanaya, oo xitaa Sudan soo galay, inay iska caabiyaan, haddii kale, arrintaas waxay keeni doontaa jab weyn oo ki 1990-meeyadii la mid ah," ayuu leeyahay Haddana.
Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo billawday xilligii madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamad Siilaanyo, ayaa hakad galay tan iyo markii uu isbaddel ku dhacay hoggaanka labada dhinac, kuwaas oo labaduba u muuqda in dhibaatada gudaha ka haysato ay ku xallinayaan khilaaf dibedda ah, si ay ugu suuragasho inay shacbiyad ku helaan arrintaas.
BBC