Aqoonyahano ka soo Jeeda Somaliland iyo Itoobiya oo si Weyn u Taageeray Heshiiska Is-fahamka Labada Dal

0
Monday February 12, 2024 - 11:25:56 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonyahano ka soo Jeeda Somaliland iyo Itoobiya oo si Weyn u Taageeray Heshiiska Is-fahamka Labada Dal

    Waxa ay ku nuuxnuuxsatay in heshiiska Itoobiya yahay mid keeni..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa ay ku nuuxnuuxsatay in heshiiska Itoobiya yahay mid keeni..



Aqoon-yahanno ka kala socda Somaliland iyo Itoobiya oo u warramay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA ayaa hoosta ka xarriiqay in heshiiska is-afgarad ee ay kala saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland uu kor u qaadayo is-dhex galka gobolka iyo horumarka labada dhinacba.


 

Ubax Aadan oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Diri dhaba ayaa ku tilmaantay dadaallada ay itoobiya ugu jirto inay hesho marin badeed mid wakhtigan ku habboon isla markaana la jaan qaadaya xeerarka caalamiga ah iyo qawaaniinta diblomaasiyadda ee wax is-dhaafsiga.



 

Waxa ay ku nuuxnuuxsatay in heshiiska Itoobiya yahay mid keeni kara horumar iyo faa’ido laba geesood ah, iyo xasillooni ay hesho manadaqadda geeska afrika, iyada oo geesta kale ku boorrisay dalalka jaarka inay garwaaqsadaan faa’idooyinka dhinacyada badan leh ee heshiiska tusaalena u noqdaan dhaqan-galkiisa.


 

Cabdiraxmaan maxamed oo cilmi baadhr ka ah machadka nabadda iyo xallinta khilafaadka ee jaamacadda Hargeisa ayaa isna dhankiisa iftiimiyay muhiimadda ballaadhan ee dhaqaalaha Itoobiya iyo dadkeeda badani u leeyihiin guud ahaan gobolka iyo sidoo kale dadaallada ay Itoobiya ugu jirto kor u qaadidda amniga mandaqadda iyo in guud ahaan dalalka mandaqaddu si isku mid ah ugu tallaabsadaan horumar waara.


 

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in heshiiska is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland uu labada dhinacba u danaynayo isaga oo Itoobiya gaadhsiinaya daneheeda geesta kalena Somaliland u saamaxaya in ay hesho aqoonsi iyo sidoo kale inay ballaadhiso fursadaha maalgalineed iyo kuwa shaqo.

Loading...
Loading...