Trump Oo Sheegay In Uu Ruushka Ku Dhiiri galin Doono In Uu Weeraro Xulafada Nato ee Aan Bixin Lacagaha

0
Monday February 12, 2024 - 06:55:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump Oo Sheegay In Uu Ruushka Ku Dhiiri galin Doono In Uu Weeraro Xulafada Nato ee Aan Bixin Lacagaha

    "Xubnaha Nato waxay ballan qaadeen inay difaacaan qaran kasta "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xubnaha Nato waxay ballan qaadeen inay difaacaan qaran kasta "




Donald Trump ayaa sheegay in uu "ku dhiirigelin doono" Ruushka in uu weerarro xubin kasta oo ka tirsan Nato oo bixin wayda biilasha ee qayb ka ah isbahaysiga milatariga reer galbeedka.



Isu soo bax sabtidii uu qabtay, ayuu sheegay in uu mar u sheegay hoggaamiyaha aan bixinin lacagta aanu ilaalin doonin, uuna "ku dhiirigelin doonoā€¯ waddan walbo oo doonaya in uu ku gardaroodo waddankaas aan lacagta bixinin ay sameeyaan waxa ay doonaan.


Xubnaha Nato waxay ballan qaadeen inay difaacaan qaran kasta oo ka tirsan ururka oo la soo weeraro.


Aqalka Cad ayaa faallooyinka ku tilmaamay "wax laga naxo oo aan loo meel dayin".


Madaxa Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in soo jeedin kasta oo ah in "isbahaysigu aysan is difaaci doonin ay wax u dhimeyso dhammaan amnigeena", taasoo khatar gelinaysa askarta dalalka Nato.
Loading...
Loading...