Dil Ka Dhacay Hargaysa Iyo Booliska Oo Ka Hadlay.

0
Sunday February 11, 2024 - 19:02:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dil Ka Dhacay Hargaysa Iyo Booliska Oo Ka Hadlay.

    "Ciidanka Booliska ayaa sameeyay Hawlgal degdega "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidanka Booliska ayaa sameeyay Hawlgal degdega "




Hargaysa (HWN) Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ka hadlay dil ka dhacay magaalada Hargaysa.



Ciidanka ayaa warbixintan hoose oo ay  baahiyeen ku sheegay in eedaysanaha dilkaasi ay gacanta ku soo dhigeen. 


"Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedeysane Khaalid Axmed Cumar Ina Aasiya Cabdi 20jir  ah , kaas oo ku eedaysan inuu  Abbaaro 3:00 Galabnimo shalay  ku dilay Xaafadda Jameecada ee degmada Maxamuud Haybe Marxuum  Khaalid Muuse Faarax Ina Hodan Diiriye 19jir ah , waxaanu  ku dilay Mindi(Tooray) .


Ciidanka Booliska ayaa sameeyay Hawlgal degdega kaasi oo ay markiiba gacanta kusoo dhigeen eedaysanaha , waxaanu ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska . dhanka kale ,  Eedaysanaha ayaa qaba dhaawac uu soo gaadhsiiyay marxuumka geeriyooday. 


Taliska Ciidanka Booliska JSL wax uu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa inay ilaaliyaan nabadgalyada  , waxii ay garan wayaanna degdeg ula soo wadagaan Ciidanka Booliska.


Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL. 

Call Center 999 /520175.

Loading...
Loading...