Gud. Saleebaan Oo Fariin Degdeg Ah Udiray Xildhibaanada G. Guurtida

0
Sunday February 11, 2024 - 18:52:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gud. Saleebaan Oo Fariin Degdeg Ah Udiray Xildhibaanada G. Guurtida

    "Sidaa darteed, mudanayaan idinkoo mahadsan waa in sidaasi aad ula socotaan."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidaa darteed, mudanayaan idinkoo mahadsan waa in sidaasi aad ula socotaan."







Hargaysa (HWN) Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa fariin loodiray loogu sheegay in dib uu udhacay fadhi maalinta bari ah lagu balansanaa, kaasi oo xoguhu sheegayaan in golaha lagu soo hordhiga lahaa xeerarkii doorashada, sida lagu sheegay fariinta loo diray xildhibaanada oo sidan uqornayd.


Ku:  Mudanayaasha Golaha Guurtidda. 

Ujeedo: war-gelin. 

Anagoo fulinayna amarka shir-gudoonka Golaha Guurtidda JSL , Waxaa dhamaan mudanayaasha Golaha Guurtidda  lagu war-gelinayaa in Fadhigii Golaha Guurtidda ee loo balansanaa maalinta berri ah in aanu jirin oo dib loo dhigay ilaa maalinta sabtida ah ee ay taariikhdu tahay 17/02/2024, hadii Alla yidhaa.

Sidaa darteed, mudanayaan idinkoo mahadsan waa in sidaasi aad ula socotaan.

Allaa Mahad Leh. 

Cabdinaasir Aaden Beegsi.

Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda JSL
Loading...
Loading...