Akhlaaqda oo lunta ,waa dadka iyo dalka oo baaba'a . Cali Biixi

0
Sunday February 11, 2024 - 13:31:46 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Akhlaaqda oo lunta ,waa dadka iyo dalka oo baaba'a . Cali Biixi

    ( wakhtiga ayaa macalinka nolosha ah).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

( wakhtiga ayaa macalinka nolosha ah).


 

 


Waxa laga soo weriyay in ay Andiira Gaandi (Ra'iisal wasaarihio hindiya ee hore)


ay waydiisay Aabaheed Jawaahir Nahro .

 

* su'aal :Aabo Dagaaladu dalalka iyo dadka maxay yeelaan ?

* Jawaab: Dhaqaalaha ayaa burbura dalka iyo dadk .



 

*su'aal: oo maxay kale , hadii dhaqaaluhu burburo ?

* jawaab: Akhlaaqda ayaa burburta oo dadku bilaa akhlaaq ayay noqdaan.

 

*su'aal: maxaynu arkeynaa oo kale Aabo,

hadii akhlaaqda dadka burburto?

* Jawaab:

oo maxaa hadhay hadii ay akhlaaqda dadku burburto .

oo Andiiraay maxaa ku dhigaaya dal ay akhlaaqdii dadkiisa burburtay ?

 

Qofku wuu noolaan karayaa dhaqaale yaraan iyo nolosha oo ku yara adkaata.

*laakiin lama noolaan karaayo

Dadkii oo akhlaaqdii ka tegey oo madaxdoodii noqotay,

qaar aan akhlaaq lahayn ,

oo aan karaamo lahayn ,

oo faasiqiin ah oo aan kala aqoon xalaasha iyo xaaraanta , oo dhaqankoodu iyo ficilkoodu iyo xukunkooda dulmi iyo cadaalad daro ku salaysan yahay iyo akhlaaq xumo iyo dhaqan xumo joogto ah .

 

Qofku wuu u dul qaadan karayaa dhibaatooyinka nolosha, akhlaaq xumo iyo dhaqan xumo iyo dulmi iyo cadalad daro uma dul qaadan karaayo ,lamana noolaan karaayo .

 

Qodku karaamo la'aan ,

Waxa ay noqonayaan , qof aan jirin oo aan qiimo lahayn oo aan xoolaha waxba dhaamin.

 

Xukuumadda M.biixi akhlaaq xumo iyo dhaqan xumo iyo cadaalad daro iyo dulmi joogto ah ,

Ayay bulshada somaliland ku haysaa habeen iyo maalin iyo xadhig iyo dil iyo dagaalo sokeeye.

 

Hadaba shacabku ilaa goorma ayay ku jirayaan akhlaaq xumadan iyo dhaqan xumo iyo dulmigan iyo cadaalad daradan?


 

Macalinka nolosha ayaa ka jawaabi doona su'aalahan ( wakhtiga ayaa macalinka nolosha ah).

 

 

Cali Biixi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...