Wasiirka Caafimaadka SOMALILAND oo Safar Shaqo Ku Tagay Dalka Jabuuti
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa safar shaqo ku tagay dalka Jabuuti, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Masuuliyiinta safaaradda Somaliland ee dalka Jabuuti oo uu hor kacayo safiirka Somaliland ee dalkaasi ayaa soo dhaweyn balaadhan u sameeyay wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka SOMALILAND, Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti.
Safiirka Somaliland u Fadhiya wadanka Jabuuti Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed iyo ku xigeenkiisa, ayaa dalka Jabuuti kusoo dhaweeyey wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) , kaas oo safar shaqo ku jooga dalka jabuuti.
Safiirka Somaliland u Fadhiya wadanka Jabuuti Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed, waxa uu wasiirka ku qaabilay qolka nasashada ee Madaarka Caasimadda Jabuuti ee magaaladda Jabuuti.
Geesta kale wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland mudane Wasiir Xasan Gaafaadhi, ayaa si weyn uga mahadceliyay soo dhaweynta balaadhan ee lagu qaabilay, isagoo ku amaanay safiirka iyo ku-xigeenkiisaba sida hawl-karnimada leh ee ay ka safaarad ahaan u gudanayaan waajibaadkooda.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka SOMALILAND ayaa dalka jabuuti u jooga hawlo shaqo isaga oo ku sugnaan doonaa maalmaha soo socda.