Markay Doontu Dagayso Dadka saaran Dusheeda…..

0
Sunday February 11, 2024 - 11:26:34 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markay Doontu Dagayso Dadka saaran Dusheeda…..

    Waxa se wax walba kasii daran in uu Kulmiye iyo Kornayl Muuse keeno..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa se wax walba kasii daran in uu Kulmiye iyo Kornayl Muuse keeno..


Marka Dooni badweyn maraysa cilad aan lamaarayn karin ku timaado, ee la garrowsado in Doonidu Dagayso oo aanay bada sii dul sabaynahay, Dadka saaran doontaa cabsi iyo isdhex carar salbabakh leh ayaa lasoo darista, waxa se kaga sii daran hadii naakhuudiyaha doonta wadaa aanu dabaasha aqoon in ciddi ka boodo doonta uma ogolaado in lala wada dego oo Moojadaha bada lala wada hoos maro ayuu doorbidaa



 

Taa waxa ka dhigan Xisbigan Kulmiye ee ay ka gurmayso Naftu ee Kornaylada askarta ahl Horkacayaan iyaga oo ku Fashilmay Dimuqraadiyadii Dal hugaamineed, wax kalaba iskadaaye Askarinimadii ay darajada ku Sheeganayeena way ku jabeen, Wax waloo kalena warkeed daa’!.


 

Waxa se ah Waxaan la illaawi doonin waxay sameeyeen Rafashadii ay rafanayeen.

 

Taariikhda dadkeena waxay ahayd markii ugu horaysay ee dad shacab ah oo shucuurtooda cabirayaa inta wax walba loo bakhtiistay siday yihiin tiirar lagu dhug Baranaayo dhegta dhiiga loo daray.


 

Waxa xigtay Hablo catrado ah oo inta guryahoodii lagala baxay magaalooyin kale la geeyey oo lagu xidhay, waana wax diinteena iyo dhaqankeena ku lidi ah oo weligeed hore u dhicin.


 

Waxa xigtay in Kornayl Muuse Biixi layidhi Waar ina rag walaal wuxuu ku dhaamo ma jiro ee Dagaalka Sool ka daa, se sidii caadada u ahayd hoos u yidhi Aniga oo wax Dili kara Duco qaadanmaayo, ee 32 sano wixii la yabyabaayey ee la uruurinaayey uu Saacad iyo shan iyo Afartan miriri guclo roorka kaga yimi.


 

Waxa xigtay isagoo Dalkii iyo Dadkii midaysnaa ee lagu wareejiyey kala go’ay ayuu damcay in uu intii Iskusoo hadhay dabka iskugu dhiibo Bari iyo Galbeedba, oo uu damcay in uu dhulkii barakaysnaa ee taariikhda Hooyoleyda iyo ta Islaamku yaalay ee Masaajidka labada qiblo leh ku yaalay, Dhaqanka Hooyana Diinta ugu diwaan gashan sida (BISMILAAHI SALALAA CALAAYE HOOYAALAYEEY), Gaalo Xabashi Macatabad leh inta lasiiyo si masaajidkii labada qiblo lahaa Kaniisad ay ka binaystaan oo iyaga oo aan Alle bad siin, ay baddeena ciidan gaalo ahi degto oo qaadato iyaga oo Dhul iyo Dad inagaga maqanyahay, mudada la kiraynayaa waa waxba kama jiraan! Waayo? Dal aan bad lahayni meel ay u qaataan maraakiibta iyo doonyaha ma jirto, sidaa awgeed waa inay daa’iman qoorigeena u qaataan ayey noqonaysaa hadii ay soo dagaan! Se Ciddii Caamiye ama caruur ah ayaa loosheegayaa mudo Sanado ah ayey joogayaan HODHODHO!,


 

Waxa se wax walba kasii daran in uu Kulmiye iyo Kornayl Muuse keeno in uu qoys Aabo iyo Hooyo ah uu isku diro si uu Wiilkooda uu u xidho oo uu waliba siday diintu ina farayso ruuxa ugu mudan Saddex jeer waa Hooyada waana taynu Qoomiyad ahaan aynu HOOYOLEY aynu ku nahay ee qaab qabilkeena Sharafta lehna aynu (Habar-Awal, Habar-Yoonis, Habar-Jeclo, Habar-Carfaan, Habar-Gudir, iyo Ba’Habar iyo Bah iyo Baho u nahay) waa xaqa Hooyo eebe siiyey oo aynu sideeda u Fulinayno, se nasiib daro Kulmiyaha Caleentiisu Caddaatay waakii Hooyadii sharafta iyo Maamuuska lahayd ee Dhashay Abwaan Cabdiraxmaan Abees ka dhigay sidii Habar baa iska how how lehe Abwaanka jeelka geeya!.


 

Waxa kaloo yaab iyo afkalaqaad Ummaddii ku noqotay Markay Kornayladii yidhaahdeen Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, Suldaanka Guud ee Subeer Awal, Alle Cimri Dheer ha siiyee, Saldanadii waanu ka qaadnay waayo Madal Xisbiga Qaran ee Wadani Madaxdiisu joogtay ayuu Suldaanku kasoo Muuqday!, Waar Bal tanoo kale yaa arkay!, Qaran mid ah miyeynaan ahayn? Oo Saddexda Xisbi qaran Wadani, Kulmiye iyo Ucid miyeyna ahayn asxaabtii Qarankan Jamhuuriyada barakaysan? walee Waa yaab!.


 

Suldaanka Guud ee Jamhuuriyada Barakaysan Suldaan Daa'uud Aabihii Alle haw naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan, ayaa Suldaan Maxamed Bari Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-Madow Boqorka Afrika, qaar yidhaahdeen Boqortinimada ayaanu ka qaadaynaa, ayuu Suldaan Maxamed yidhi Suldaanimada Alle ayaa Bixiya Alle ayaana Qaada oo marka Alle Ka Qaado Suldaanka ama Boqorka waa marka xaqa Alle u yimaado marka Suldaanimadii ka qaadanto oo waxa lagu wareejiyaa waranlihiisii u xaq lahaa oo siiwadaaya Taajka, ee Suldaan iyo Boqor maaha Wasiir Wasaarad jooga oo inta laga qaado mid kale loo igmado.


 

Hadal iyo Dhamaan Kornayladan Kulmiye waa Naakhudayaal ay Doonidoodii Dagayso Dabaalna aqoon oo waatan hanjabaadu ka hadhay ee kolba mid inta ay tiifiiyada soo hor fadhiisiyaan uu hanjabaayo ee Dheg how dhigina, waa Askar fashilantay baalxooftadoode,xaalna ka qaata Dhaqan xumadan iyo geedka ah lama garraacaanka ee ay isku qaaday, ta Bulshada Shacabkeenan dunta xariirta wada ah ee wada dhashay ee Dhulka dhaqanka dhiiga Diinta Afka hidaha iyo taariikhda wada leh, naxliga la dhexdhigaayo waa mid lagu Cimri-raffad dheeraysanaayo, ee Fadlan Shacabka Walaalaha ah ee Dunta Wacan ee Jamhuuriyada Barakaysanow Fadlan iska Dul qaata Doonta Askartu wey degaysaa! Oo dabadood waa ladoogsane.


 

Kornayladu waxba lamay Hadhin

 

Hubaal Wakhtina umuu Hadhin.

 

Khadar Hooyoley Fartaag

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...