Dadka Kaan Xishoonayni,Deelqaafka Hadalkaba Dan Miyuu Ka Leeyahay.

0
Saturday February 10, 2024 - 10:54:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Kaan Xishoonayni,Deelqaafka Hadalkaba Dan Miyuu Ka Leeyahay.

    Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]



 

Dadko Kala Danbeeyiyo,Dulqaadkiyo Xishoodkii,

Duniduba Iloowdayo,Haatan Wuu Ka Dabar Goa'y,



 

Doqon Amusnaantiyo,Afmiishaarna Diric Noqoyo,

Dabadiiba Lama Dhalanin,Isgaa Dadkaba Hagayuun.


 

Diiday Ruux Ma Odhan Karo,Wuxu Doonayaa Jira,

Danlay Bay U Badantayo,Ku Hungoowday Daacadi,


 

Durkaa Daabac Loo Rogay,Dahabkiina Maar Noqoy,

Doolar Weeye Quruxduyo,Dumarkiina Ku Raaceen,


 

Duunyadan Bakhaylkay,Dadkuba Door Bidaayaano,

Dugsadaan Kan Haystoo,Deeqsiga Looma Hoydaba.

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...