Xisbiga Waddani Oo Si'adag Uga Hadlay Diyaarad Somaliya Ka Celisay Hargaysa.
"Umadda reer Somaliland waxay filaysay in aan xumaantii hore xumaan kale laga daba-gayn "
Hargaysa (HWN) Yoonis Ahmed Yoonis oo kamid ah saraakisha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka hadlay diraayarad la sheegay in Somaliya ay Hargaysa ka celisay, sida xoghayuhu ku sheegay qoraalkan hoose o uu baahiyay.
"Dayuurad Ambulance ah oo naf bani'aadmi lagu badbaadinayo in hawada laga celiyaay hadii aay jirto waxay tilmaamaysaa cadaawada ay madaxda soomaaliya u hayaan shacabka Somaliland.
Haddii aad taariikhda caalamka dib u eegto tan oo kale kama dhacdo oo xataa dawladaha dagaalka ku wada jiraa sidan oo kale uma siyaasadeeyaan Dayuurad Ambulance ah oo lagu bad-baadinayo naf-bani'ami ah.
1988-kii Dayuuradihii dagaalka ee ka kacay madaarka Hargeysa ayaa dib u duqeeyay isla magaaladii ay ka kaceen dhacdada noocan oo kale ahina maaha wax aduunka ka dhaca.
Umadda reer Somaliland waxay filaysay in aan xumaantii hore xumaan kale laga daba-gayn laakiin taa badalkeedii marka hawada laga celiyay Dayuurad Ambulance ah oo bukaan halis ah lagu qaadi lahaa maaha wax loo dul-qaadan karo.
Sharciyada iyo qanuunka caalamkuna wuxuu sheegayaa in gaadiidka wadooyinka mara uu ugu mudan-yahay baabuurka Ambulance-ka ah ee sida bukaan halis ah oo cusbitaal lala gaadhayo ama uu ku sii socdo oo uu rabo in uu soo qaado bukaan xaalad dag-dag ah oo caafimaad u baahan.
Sidoo kalena Dayuuradaha Ambulance-ku sababta kaliya ee ay u duulaan waa xaalad dag-dag ah oo caafimaad waana ay kala duwan-yihiin Dayuuradaha Ambulance-ka ah iyo kuwa dal-xiisku.
Sidaa darteed waxa haboon in dawlada Soomaaliya ay ka waan tawdo falalka noocan oo kale ah." ayuu yidhi Xoghaye Yoonis oo katirsan xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.
Diyaaradan ayay ehelka bukaankii ay qaadi lahayd ay sheegeen in markii dambe ay ka degtay Jigjiga
Loading...
Loading...