Xidhxidhid Ma Ahee,Waa Xabaal,Xereeyo Ii Xaniba Dadaan Xeer Loo Marayn.

0
Tuesday February 06, 2024 - 10:10:01 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhxidhid Ma Ahee,Waa Xabaal,Xereeyo Ii Xaniba Dadaan Xeer Loo Marayn.

    Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bismillaah Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]



 

Xornimo Admigani Dhasheenoo,Xerayaanad U Oodatiin,

Xisaabaa Ka Danbayn Waxane,Xurmeeyo Ilaahiin Ka Baqa,



Xumaha Waa Laga Durkaayoo,Xalaashana Laga Dhergaa,

Xishoodkaa Lagu Dhaqmaayoo,Xantaada La Wanaajistaa,


Xuquuqdii Dadweynahiyo,Xishoodkii Maxaa Ku Dhacay,

Miyaan Wax La Xeerinayn,Xidhmooyee Xal Kaleba Jirin,


Xaaraanba La Xalaashadaye,Xaggeeba Lagu Socdaa,

Xaalkii Faqashta Wadaan,Xunyahaw Weli Lagama Tegin,


Xanaaqeenii Cirkuu Maraye,Haddaanu Xaalku Isbedelin,

Xasaradaydin Barbaarisaan,Malaha Xabadba Ku Xigi.

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...