Qof Cuqdad La Bukaa Burbur Mooyee Beel Ma Doojo ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday February 06, 2024 - 10:05:15 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qof Cuqdad La Bukaa Burbur Mooyee Beel Ma Doojo ( Abdi-Shotaly).

    * N. B Nin Waalan Ka Wax U Dirtaa Ka Sii Daran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N. B Nin Waalan Ka Wax U Dirtaa Ka Sii Daran.

Murtiddda Somaalida aad iyo aad bay ugu waran taa, wixii hore ee jeeniga loogu soo dhuftay, waxana ka hadha duruus wax-ku-ool ah, taas oo qofkii in uun maskaxi ku jirtaa uu dib u soo xasuusto, waxay yidhaaheen " Bukaan Socodka Liitaa, Dadka Waa Ku Badan Yahay" waxna u soo qaatay, waa haddii uu qofku leeyahay damiir qabta iyo dareen wax u sheega,waxa laakiinse iska ah " Laguma dhaamee dhaqaaq" is mooday wax aanu ahayn, weliggiina aan kob cagaar leh ka soo bixin, waayaha Aduunka iyo wuxu soo marayna aan wax ku qaadan karin, waa sidda maamulka askarta " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo-shaaximane" kuwaas oo aan lahayn waayo'aragnimo maamul ee xaal-kooduna noqday " Halkaan Rabay Bay ii Gashay" ee kubadda dhan-kaad doonto u laad mar haddii aad adigu "Mididda daab-keedda hayso" Weliba ku dhashay cuqdad iyo colaad ay u qabaan cid gaar ah, kuwa noocaas ahi waa kuwa loo yaqaan Macangag, aan hor iyo dabo kala lahayn jid Galaa iyo mid ka baxaana mid-na aanu jirin, waa sidda askarta aan sare ku soo sheegaye. Ummadda ay hor-gale u noqdaan kuwaasi waxay ku danbaysay "Baaba' iyo cidhib La'aan, waa waxa hadeer haysta Waddankii Hore loo odhan jirey" Somaliland" Hadeer-se Ah " Maamulka Labadda Askari " Haba-yaraatee aan wax lagu suureeyaa aanay jirin, waayo maaha wax maamul lagu sheegin karo, ee waa hal dugaag ku dikaday ee kuwa naf ka sugayaa waa idiin dadnimo xumaan Iyo aqoon daro.



Inkasta oo ay jireen khalad aad yar-yari maamuladdii hore, hadana wax Dawlad Somaliland la yidhaahi, waxa ugu dambeeyey, Maamulkii Ahmed Siilanyo ( Illaah Caafimaad ha siiyo'e), isaga denbiga loo tirinayaa ( Waa Siilaanyo'e) waa keenista Askariga Waalan ilayn sidan kuma miyir qabo'e. Maah-maah baa waxay ahayd " Nin Waalan Ka Wax u dirtay ka daran" Waa halka ay maanta taagan yahaye. Hees baa ereyadda ku jiraa ay ka mid ahaayeen " Aduun waa wareeroo War iyo Sheekaa ka hadha" Maamulka "Xaafad-tooyadda Hargeysa" Taariikh-da ka hadhi doontaa waxay noqonaysaa " Magacoodda goor baas la soo qaadkii Burburiyey Somaliland" Akhristaw waxa la yidhi Somalidu been way sheegaa, laakiinse been ma maah-maado, xaqiiq-ddii oo dhab ahi waa sidaas. War kale meesha ma yaalee ha is eersado askariga cuqdad da ku korey, wax uu kala wadayaana ma jirto, in ay ka sii Darton mooyee, colaadda uu dalka geliyey, ee uu ku kala jaray Waddan-kiisa baa isaga Dani ugu jirtaa.


Xikmadda ay Somalidu wax Kula baxdaa maaha mid la soo koobi karo, ee bal ayno yara kabano in yar oo ka mid ah, taas oo imika ina haysta Runtii, waxa ka mid ah xigmad aad u qoto dheer, oo aynu hayno wakhtigan ina hor jooga, waxa ay hore u yidhaaheen "Nin Anni Uun Yaqaan Aadmi Kala Tage" Sawirka iyo micnaha ay murtidani bixinaysaa waa mid aad u fog, qofkii In uun fekerayaa wuu fahmayaa ujeedka aan u soo qaatay, kii ah meel iskaga baydh, Xil-doon, digsi xagato ama Beelaysn waa yeelkaddii. Biyo shubku waxa weeye, Askariga " Xaafad-tooyadu" Wuxu yidhi aniga uun baa wax walba ah " Mijo ilaa madax" Cid aan wax u ogahay ma jirto, wax lay sheego-na ma maqlaayo, waxna ma dhegays-naayo, aniga mooyee cid kaloo wax garanaysaa ma jirto, taydda baa khasab ah, maskaxdda can-kaas ahi, waa ta burburisay Dalkii la odhan jirey "Somaliland" markuu cid-na wax ka maqli waayey, haday yihiin Culumo, Madax-dhaqmeedkii, Ganacsato, Siyaasiyiintii Iyo Bulshadda. Feker-kaas bilaa garashadda ahi, waa ka halkaas joojiyey Maamulkii loo dhamaa ee "Meherka Suubiska ah" loogu meheriyey. Wersan-geli Horaa loo yidhi iska taga, Dhulbahante waxa ku dhacay " Isir Tirtirid Iyo Xasuuq Aan Sinaba Loogu Aabbo Yeelin" Waa ereyaddii ay yidhaaheen " Xuquuqul-Insaankuye" In ay dib u soo noqdaan " Dhulbahante iyo Warsan-geli iyana waa ina wax kama jiraan. Awdal baa iyana kacsan iyo Selal oo hubaal wakhti aan fogayn, faraha ka bixi doonta, imikana la arkaayo xaal-keedu xaal-koodu yahay halkii Hartiyi martay. Caalamkii markii Askariga Heshiiskii uu lagala-ba uu fulin waayey, wax walba way ka jareen, ciidanku sheego jirey Dhulbahante baa hadh-cad dhameeyey, imika buu ku waashay " Tolaay Isaaqaw, kaas oo uu isagu kala irdheeyey, wax dagaalka Sool geleya oo Isaaq ahina ma jiraan ee ha ka dabaasheen " Maamulka Labadda Askari".

* N. B Nin Waalan Ka Wax U Dirtaa Ka Sii Daran.

Qore:- Abdi-Shotaly
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...